100827111732_asha_ali_abdille_226x170_nocredit.jpgHaweenay Soomaali ah, Caasha Cali Cabdille, oo isku dayday in ay afduubto diyaarad yar oo u kala duulaysay laba magaalo oo isla gudaha dalka New Zealand ah ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.

Waxay ahayd dhacdadii ugu horaysay ee nooceeda ah, iyadoo haweenayda oo qaxooti ahayd ay diyaaradda la fuushay sadex middi, waxaana ay isku dayday in ay ku qasabto duuliyada diyaaradda in uu ku jiheedyo diyaaradda dalka Australia.

Markii loo sheegay in diyaaraddu uusan ku jirin shidaal ku filan, ayay dalbatay in badda lagu rido.

Diyaaradda ayaa si nabad ah ku degtay magaalada Christchurch, iyadiina waxaa ka awood badiyay shaqaalihii diyaaradda.

Bbcsomali