Boorama-Lug)-Tartankii xifdiga Quraanka Kariimka ah ee magaalada Boorama ayaa la soo gabagabeeyay maanta, munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo shahaadooyin iyo abaalmarino lacag iyo Kurub isugu jira lagu gudoonsiinayay ardayda ku guulaysatay tartanka sanadkan ayaalagu qabtay Masjid Jaamaca magaalada Boorama. Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Sh. Baladka magaalada Boorama, culimo arday iyo dadwayne aad u tiro badan.
Ugu horayntii madashan oo uu ka hadlay Sheekhul baladka magaalada Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar ayaa waxa uu tilmaamay inay guul tahay sanadkan meesha uu marayo tartanka Quraanka kariimka ahi. Waxa kale oo uu sheekhu ku dardaaray waalidiinta inay caruurtooda geeyaan madarasadaha quraanka kariimka kuna dhiiri galiyaan inay quraanka xafidaan, sheekhu waxa kale oo uu ardayda quraanka xafiday ku dardaaray inay sii xafidaan barashada quraanka kuna camal falaan.
Sheeku waxa kale oo uu xukuumada iyo bulshada ku booriyay inay aasaasaan madarasado diini ah oo lagu barto culuunta diiniga kuwaas oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin bulshada hadii la doonayo inay bulshadu horumar gaysato.
Dhinaca kale waxa isaguna ka hadlay madashan Sh. Axmed Sh. Jibriil oo ahaa gudoomiyahii tartanka waxana uu ka warbixiyay heerarkii uu soomay tartanku waxana uu yidhi “ Sanadkan waxa tartanka isku taagay 197 arday oo ka kala socday 25 madarasadood kuwaasi oo u tartamayay 30ka, 15ka iyo 5 jiz oo quraanka kariimka ah, waxa wareegii labaad u soo gudbay 37 arday oo 19 ay yiilal yihiin halka ay 18 kalana ka yihiin gabdho waxana aan maanta gudoonsiinaynaa abaalmarino kala duwan 19 arday”.
Sh. Axmed waxa kale oo uu xusay insanadkan ay dheertay abaalmarinada lacagta ah shahaadooyin cadaynaya in ay ardaydani ka qayb galeen tartanka quraanka kariimka ah ee magaalada Boorama, isla markaana ay sanadkan gudoonsiinayaan guulaysatayaasha inta u dhaxaysa 600 ilaa 300 oo doolar oo lacag ah iyo Min-kitaab quraan ah.
Sh. Cali Aadan Sh. Cali Dheere oo isaguna ka hadlay madashan ayaa u mahadnaqay ganacsatadii iyo dadwaynihii kale ee gacanta ka gaysatay inuu tartankani qabsoomo waxana uu xusay inay dhinaca haweenka gacanwayn ka gaysatay Saynad Axmed Miisaan oo dhinaca haweenka ka socotay.
Tartanka sanadkan oo guul ku dhamaaday ayaa waxa dhinaca ay tartamayaashu u kala guulaysateen sidan:-
30 Jiz:
Wiilasha:
1.Cabdiraxmaan Muumin Xasan
2.Xasan Cabdi Maxamed
3.Cabdisamad cabdishakuur Maxamed
Gabdhaha:
1.Saynab Sh. Maxamed Cumar
2.Asma Sh. Cali Aadan
3.Hodan Cabdi Suldaan
15 Jiz
Wiilasha:
1.Cabdirashiid Amiin Cumar
2.Shucay Maxamed Jaamac
3.Cabdisamad Ilayaas Maxamed
Gabdhaha:
1.Naadiya Cilmi Haybe
2.Ikaraan Cabdiraxmaan Xuseen
3.Asama Xasan Deheeye
5 Jiz :
Wiilasha:
1.Axmed Cismaan Cali
2.Ilyaas Xasan Cabdi
3.Fadxi Cabdilaahi Cilmi
4.Cabdirisaaq Maxamed Xasan
Gabdhaha:
1.Bushra Maxamed Habane
2.Aasiya Maxamed Cabdi
3.Ismahaan Cabdifataax Cabdilaahi

Muuqaalada Abaalmarinta Waxaa Iska Leh Borama.com
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama








Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tartankii 5aad Ee Xifdiga Quraanka Kariimka Ah Ee Boorama Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback