xisbiyada-mucaaridka-somaliland.jpgHargeysa-(Lug)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo UDUB, ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen waxa laga yeelayo doorashooyinka baarlamaanka
 (guurtida iyo wakiillada) iyo Golayaasha Degaanka Somaliland.

Kulanka labada xisbi yeesheen oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo oggolayn oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga mucaridka ah ee UCID, ayaanay labada xisbi wax war ah ka soo saarin qodobadda lagaga wadahadlay. Haseyeeshee, sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiiyeen ilo-wareedyo kulankaasi u dhuun daloola waxa madaxda xisbiga UDUB ee kulankaasi ka qaybgalay hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, halka masuuliyiinta UCID-na uu horkacayey Guddoomiyahooda Eng. Faysal Cali-waraabe.

Waxayna tibaaxuhu sheegeen in shirka labada xisbi yeesheen wax la isaga weydiiyey qoraal ka soo baxay Komishanka doorashooyinka oo lagu sheegay sidii loogu diyaar garoobi lahaa, isla markaana xal loogu heli lahaa qaabka ay u qabsoomayaan doorashooyinka baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Golayaasha Deegaanka ee muddo-dhaafka ah.

Qoraalka uu soo saararay Guddoomiyaha Komishanka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo xambaarsanaa soo jeedimo ahaa in muddada Golaha Wakiillada loo kordhiyo ilaa iyo dhammaadka dabayaaqada sannadka 2011, isla markaana doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha degaanka midba gaarkeeda loo qabto iyo in mudanayaasha Golaha Guurtida la soo xulo, waxayna sida ilaha xogogaalka ah xaqiijiyeen labada xisbi mucaarid ee UCID iyo UDUB kulankooda shalay ku lafa-gureen qoraalka Komishanka Doorashooyinku u gudbiyeen, iyagoo wax iska weydiiyey qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka, iyaga oo UDUB iyo UCID kulankooda iskula soo qaadeen sidii talo qaran looga yeelan lahaa doorashooyinka soo socda.

Kulanka labada xisbi mucaarid yeesheen oo aan wax go’aan ah laga soo saaray, ayaa loo ballamay in maalinta Sabtida kulan kale la isugu yimaad, waxayna wararku tibaaxeen in UDUB iyo UCID kulankooda kadib ay shir la yeelan doonaan xibiga talada haya ee KULMIYE.

Jamhuuriya Online