somaliland-logo.jpgMadaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Cisbitaalka Guud ee Hargeisa.

.Markuu arkay:    Qodobka 90aad ee Distoorka  Qaranka.

Markuu tixgeliyey:  Ahmiyada ay Guddida Cisbitaalka Guud u leedahay Dhismaha Qaranka.

Markuu la tashaday:    Cidda ay kusayso.

Markuu  Kafiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo 

Markuu ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.

Wuxuu Go’aansaday Madaxweynuhu:

In  Guddidan oo ka kooban 10 Xubnood uu Gudoomiye u ahaado,  Mudane Maxamed Xuseen Caabi,  Gudoomiye ku-xigeena uu u ahaado, Dr. Axmed Yuusuf Obolos,

Xubnaha Guddidu waxaanay kala yihiin sidan:-

1. Mudane: Maxamed Xuseen Caabi   ( Gudoomiyaha Guddida Cisbitaalka)

2.  Dr. Axmed Yuusuf Obolos        ( G/ku-xigeenka Guddida Cisbitaalka)

3. Mudane Suldaan Xasan Warsame Shire

4. Mudane: Xasan Cali Muuse

5. Marwo. Aamina Yuusuf Aar

6. Marwo. Saakin Jirde Xuseen

7. Xildhibaan Cabdilaahi Cali Askar

8. Xildhibaan Yuuusuf Maxamed Guuleed

9. Mudane: Axmed Muxumed Madar

10. Dr. Cali Qaadi

 

ALLAA MAHAD LEH

 

C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
AF-hayeenka Madaxtooyada JSL