ramadaan.jpgOttawa-(Lg)-iyadoo lagu gudo  jiro bishii ramadaan ayaa waxa magaaalada Ottawa  laga abaabulay meelo badan oo dadka lagu afuriyo sida masaajidada iyo goobo kale oo si ku meel gaadh ah loogu  tukado meelahaasi oo ay gacanta kuhayaan dad iyagu  iskood isku xilqaamay  si loo afuriyo dadka   taagta yar ee aan waxba haysan iyo dadka kale ee aan gaadhi karin guryahoodii  kuwaasoo haya shaqooyin  iyo meelo ganacsi oo yaryar.

Dad aad u badan ayaa tartan ugu jira  sidii ay usoo samayn lahaayeen aftur waxana la kala calaamadaystay meelaha ay dadku ku afurayaan  iyadoo dadka qaarkood  ay aad u jeclaysteen talaabooyinka ay qaadeen dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee dalka kanada  sidaa darteed  marka ay gaadho waqtigii afurka ayaad waxa aad arkaysaa dhallinyaro iyo  dad waaweyn kuwaasoo  kusii jeeda   goobaha sida fiican loo diyaariyay ee loogu talo galay afturka  iyo cunada
 
Midkamid ah dhallinyarada  sida badan   laga helo  goobahaas oo Shabakada Wararka ee Lughayanews  ay  wax ka waydiisay bal sida uu arko  goobahan dadka lagu afurinayo ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay  una ducaynayo  dadka soo diyaariyay afurka isagoo urajeeyay inay ilaahay xagiisa ka heli doonaan  waxa uu ku tilmaamay khayrka ay u baratamayaan  waxana uu kacodsaday  dadka kale inay ku daydaan  sidan oo kale  isagoo intaa siiraaciyay  in waxa hal meel loogu wada afurayo ay tahay is barasho iyo qalbiyada dadka muslimiinta ah oo isku soo dhawaanaya  iyadoo hal meel lagu wada tukanayo

Dhanka kale masaajidada ugu waaweyn magaalada Ottawa ayaa maalinba maalinta kadambaysa ay dadku kusoo badanyaan sababtuna waxay tahay dadka qaarkood oo fasax usoo qaata toddobaadyda ugu damabeeya ee bisha barakaysan eeramadaan si ay ugu qayb galaan  oogida salaada taraawiixda iyo u diyaar garoowga habeenka laylatul qadriga oo ah habeen aad ugu weyn quluubta dadka muslinka ah, masaajidka weyn ee Asalaam layiraahdo ee kuyaala magaaladan Ottawa ayaa  dadku ay  usoo kala horraynayaan waxana jira dhallinyaro dar ilaahay  u shaqaynaya iyagoo kala diyaarinaya oo kala hagaya dadka iyo baabuurta  soo galaya amma kabaxaya masaajidka  weyn ee Assalaam arrintaasoo keentay in si nidaamsan loowada tukado ilhaayna loo baryo
 

Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Ottawa-Canada