Hargeysa-(Lug)-Waxa xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay kulan ballaadhan oo dhexmaray mas’uuliyiinta kala duwan ee wasaaradda iyo Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Yemen.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadam, Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Md. C/raxmaan Maxamed Maal, waxa uu ku bilaabmay jawi is-barasho iyo xog-warran ku saabsan waayaha iyo xaalka ardayda wax ka barata dalka Yemen.
Guddoomiyaha Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Yemen Cabdilatiif Cismaan Caabi oo xog-warran kooban ka bixiyey xaaladda waxbarasho ee dalkaasi ayaa sheegay in ardayda Yemen wax ku barata yihiin qaar dedaal badan oo u samra waxbarashada, guulo fiicanna ka soo hooyey tacliinta. Waxa uu tilmaamay in ardayda halkaas wax ku barataa yihiin qaar ku han weyn dalkooda Hooyo oo dib u noqda marka ay waxbarashada dhamaystaan, haddana si fiican uga muuqda qaybaha kala duwan ee nolosha dalka. Waxa uu guddoomiyuhu sidoo kale ka sheekeeyey waxqabadka ururka ardayda oo uu sheegay in uu yahay mid firfircoon oo markasta u heellan danaha ardayda wax ka barata Yemen.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadam oo iyana halkaa ka hadashay ayaa sheegtay sida ay ugu farxsan tahay kulankan, una soo dhaweyneyso ardaydan booqashada ugu yimid. Waxa ay ku nuuxnuuxsatay sida ay u danaynayaan in ay xidhiidh dhow la sameeyaan ardayda qurbaha wax ku barata, kuna dedaalayaan sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladooda waxbarasho iyo nololeed, iskuna dayi doonaan sidii ay wax ugala qaban lahaayeen intii karankooda ah. Waxa ay tilmaantay in ka wasaarad ahaan ay u guntadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada waxbarasho ee dalka, una soo celin lahaayeen haybaddii macalinka, oo ay sheegtay in uu yahay kan uu berrito ku dayanayo ardaygu, sidaas darteedna loo baahan yahay in kor loo qaado sharaftiisa iyo tayadiisa.
Jawiga kulanku waxa uu ahaa mid fiican, dhammaan qodobadii la isla soo qaadayna la isku af gartay.
Ugu dambeyn, Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Yemen waxa uu wasiirka guddoonsiiyey shahaado sharaf iyaga oo ku maamuusaya doorka ay ka soo qaadatay horumarinta waxbarashda iyo arrimaha bulshada ee dalka.
Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Yemen
Hargeisa, Somaliland
susyemen@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulan Dhexmaray Wasaaradda Waxbarash-ada Iyo Tacliinta Sare Ee S/land Iyo Ururka Ardayda S/land Ee Dalka Yemen "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback