somaliland-logo.jpgKulan balaadhan oo  maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda   ay badhkood qabyo yihiin. 

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-

1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )
2.  M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)
3.  Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida  Sh. Axmed Nuux
4.  G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali
5.  G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax
6.  Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka  Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed  
7.  Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele
8.  iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah
- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil
- Faarax Abiib Aadan
9.  Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe
10.  G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf
11.  Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen
12.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
13.  G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir
14.  G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye   C/raxmaan Talyanle
15.  Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige
16.  Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB)
17.  Wasiirkii Hore Maaliyada  Cawil Cali Xuseen Xisbiga  ( UDUB )
18.  Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac.

ALLAA           MAHAD         LEH

C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
   AF-hayeenka Madaxtooyada JSL