somcabler-1.jpgHargeysa-(Lug)-Shirkada wadaniga ah ee SOM-CABLE  ee nasiibka u heshay inay  soo jiido xadhiga Is-gaadhsiinta ee Badda hoostiisa Mara ayaa maanta markii ugu horeysay faah-faahin ka bixisay sida ay u shaqeynayso, faa’iidada uu u leeyahay dalka, lacagta ku baxaysa mashruucan ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

somcabler-1.jpg
 
Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay, Wasiiro ka tirsan Xukuummada, Shirgudoonka labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada qaranka, Xildhibaano labada Gole Baarlamaan, aqoonyahano, Ganacsato, Haween, iyo marti sharaf kale.

somcabler-2.jpg

Yuusuf Xuseen Cabdale oo ah Maareeyaha horumarka Ganacsiga ee shirkada Som-Cable ayaa waxa uu ka xogwaramay mashruuca ay Somcable soo wado,Waxtarka ay Somcable u yeelan doonto wadanka iyo sida ay wax u qaban doonto, qaranku danta uu ka yeelan karo mashruucan, Berbera Cable Terminal Station, waxaanu yidhi   “Waxa la aasaasay Somcable 2008 wadanka Somaliland waxaanu rabnaa inay noqoto sanadka soo socda shirkad qaada ee xambaarta dhaatada (macluumaadka), codadka, muuqaalada ee qaybaha isgaadhsiinta wadanka, una gudbisa caalamka, kana soo qaada dalkana soo gelisa”.

somcabler-3.jpg

“Annagu gelimayno suuqa isgaadhsiinta, hole sale buu noqonayaa wixii aanu annagu keenaa, iyada oo sabrine cableka marin doonto Somcable, si ay u yaraato habkan haday ay tahay isgaadhsiintu ee micro waveka waxaanu xadhkaha gaadhsiin doonaa dhamaan gobollada iyo degmooyinka wadanka, si uu u noqdo cable dhulka mara oo noqon kara asad qaranku yeesho.”ayuu yidhi Yuusuf Xuseen Cabdle.

somcabler-4.jpg

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Sabrine cable-ka landingkoodu wuxuu noqon doonaa Berbera, iyo international Sabrina Cable iminka inoogu dhawna waa kuwa ku yaala Jabuuti oo iyagu masaafo ahaan inooga dhaw kuwa ku yaala Mombassa Kenya.”

Yuusuf waxa uu sheegay inaanu SOM-CABLE ku koobnayn oo kaliyaata Somaliland, isaga oo arrinta sharaxaad ka  bixinayaa waxa uu yidhi“Somcable Somaliland oo qudha kuma ekaanayso ee waxay noqon doontaa.Itoobiya oo xuduuda wajaale inay gasho, Soomaaliya oo ay dhinaca Puntland Laascaanood uga jiidi doonto iyo Jabuuti oo iyada lafteedi u jiidayso kana soo qaadan karto”.

somcabler-5.jpg

Mar uu Yuusuf ka hadlayey faa’iidada ku jirta SOM-CABLE waxa uu yidhi  “waxay ka qayb-galaysaa dhaqaale kordhinta wadanka, internet quwad badan ayaanu keenaynaa”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Fabricant wuxuu xoog u kaabayaa dhaqaale kobcinta gobolka oo dhan, sida mustaqbalka la filayo waxa la rabaa inuu noqdo mid laysku xidhi karo dhinaca aqoon-iswaydaarsi.Baayac-mushtarigii, dekedihii iyo wixiiba way isku xidhmayaan, markay Afriki isku xidhanto aduunyadiina way ku xidhmaysaa.”

somcabler.jpg

“iyada oo capacity-gu uu noqon doono mid aad u sareeya, oo aan goo’go’in, reliable fast ah ayuu noqonayaa.”ayuu yidhi

“Wadamada qaar gobolka waxay isticmaalaan had land station waayo qaarkood malaha bad, ka dibna waxay wadaagaan  landing station-ka ugu dhaw, waxayna galaan heshiisyo caalami ah, oo la xidhiidha inuu noqdo aamin oo aan la dhex-mari Karin, cidina qaadi Karin. Isticmaalayaashu waa inay helaan adeeg ay awoodi karaan inay qiimihiisa iska bixiyaan tayadiisuna aad u sarayso.”

“Waxay soo kordhin doontaa adeegyo cusub oo aan dalkeena suurto-gal ka ahayn, sababtuna tahay in aynaan haysan connection xawaarihiisu sareeyo.”Ayuu yidhi Yuusuf
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Mar kasta oo shirkad sanad sii jirtaba qiimaha  ma kacayo ee hoos ayuu u sii dhacayaa.ilaa uu noqdo waxyar oo server charge ah, ilaa 10 sane ee socdana waxaanu ku rajo waynahay in bilaash lagu wada hadlo.”

Mr. Yuusuf oo sharaxaad ka bixinayey halka ay ka yimaadeen xadhkaha Badda hoosteeda maraya ayaa waxa uu yidhi  “Xadhkahani waxay ka yimaadeen Yurub, waxayna ku soo horeeyeen koonfurta Afrika, bariga Afrika qaybtii u dambaysay ayay ka qayb-galka hada heshay, xadhigba xadhig ayuu ku xidhan yahay,

“Mashruuca aanu Somcable ahaan dhisaynaa waa laba dhinac, mid ah Badda wadanka koone ilaa koone ayuu gaadhayaa xadhigayagu, waxaana uu noqonayaa laf-dhabarta isgaadhsiinta wadanka.”ayuu yidhi Yuusuf.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Ka kalena waa xadhiga Badda xadhiga Somcable la yidhaahdo ee badda cas marayaa waa xadhig u dhigma, la mid ah ama aanu u maal-gelinayno sida xadhkahaga waawayn ee caalamig ah, annaga oo gaadhsiinayna wadamada jaarka ah, Eeshiya xataa Yurub ay noqoto in aanu gaadhno 20-sano ka dib. Iminka xadhiga halka aanu ka doonan karno ee xadhig caalamiya inoogu dhawi waa Jabuuti xadhiga caalamiga ah ee yaala, xadhigani kuma xidhna wadanka Jabuuti, mana ah mid ay maamusho dawlada wadankaasi, waxa ay xadhkahaasi halkaasi ku yaalaan heshiisyo caalami ah, waxaana Jabuuti hada mara 5 xadhig, 5 xadhig midba meel ayuu qabtaa adduunyada, hadba xadhkahaa kii jaban, macquul ah, adeeg wanaagsan”.

“Faa’iidada ay Somcable dalka soo gelinayso ee laga helayo,kobcinta dhaqaalaha oo ay si wayn dalka u maal-gelinayso shirkadu, lacagta mashruucani waxa weeye 40 Milyan oo Dollar,80% lacagtaasi waxa ay galaysaa dalka gudihiisa.20% ayaa noqonaya in qalab dibada laga soo iibsado, lacagta xoogeedu waxay galaysaa dalka. Waxay abuuraysaa shaqooyin,badani waxay ka dhalanaysaa 18 bilood ee mashruucani soconayo. Technology-ga wadankan yaalaa waa mid laga baxay, waxaanu keenaynaa kii ugu dambeeyay ee caalamku u isticmaalo maanta.”ayuu yidhi Yuusuf.

“Waxa bedelaya IT-ga lagu shaqeeyo ee hada Ardayda jaamacadaha wadanka oo aanu tababarayno si ay shaqadaasi u noqonto mid socota si ay u horumarin karaan technology-geena.”

Mar uu Yuusuf ka hadlayey  cida ay noqonayso  farsamayaqaanada  ka hawlgalaya ayaa waxa uu yidhi  “90% farsamaya-qaanada shirkadu waxay noqonayaan kuwa wadanka jooga.” 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dhaqaalaha la gelin doono mashruucani waxa uu horseedi doonaa inay shirkadaha kale ku daydaan ama laysu yimaado si mashaariic intan laa leeg wadanka looga hir-geliyo, maadaama wadanka aynu ognahay caqabadaha hortaagan dhinaca dhaqaalaha.”

“Dawladu waxay ku yeelanaysaa Somcable fadhi laga maamulo, xaga nabadgelyada waxa masuul ka noqonaysa dawlada.”ayuu yidhi Yuusuf isaga oo ka hadlayey waxa ay dawladu ku leedahay mashruucan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Gobolada dalka oo dhan shaqaale ayaa maamulaya xafiisyadayada, waxaanu mar walba tababar siin doonaa shaqaalaynta dadka reer Somaliland oo iyaga fursada u horaysa la siin doono.shaqaalahayaga waxa tababaro lagu soo siin doonaa Yurub.”

“Tacliinta iyo caafimaadka shirkad wal oo xadhig meel dhigtaa waxa ay fursada koowaad siisaa waxbarashada inay adeeg siiyaan ardayda ka caawiya tacliinta. Waxaanu balan-qaadaynaa qiimayaal gaar u ah jaamacadaha wadanka oo bilaash waxyar uun ka badan.”ayuu yidhi

“Caafimaadkana dhakhaatiirta iyo baadhitaanadooda adeegyadaasi waa kuwo aan isleeyahay dalku wuu ka faa’iidi doonaa.”

Yuusuf waxa uu ka dhawaajiyey inay Shirkada SOM-CABLE ay bixinayso sheerer, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Sheerar baanu bixinaynaa dadka, gobollada iyo dalkaba ka dhaxayn doona si siman si uu cable-kani u noqdo wax dalku wada leeyahay oo furan.cid walbana waxay uga qayb-geli doontaa sida uu jeebkoodu yahay.”.

Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdirisaaq  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dadkii ka soo qeyglay, waxaanu yidhi  “Waxa sharaf I ah aniga iyo qeybta kale ee xukuummada inaan idin kala soo qeybgalo,kulankeenan qiimaha badan ee Shirkada SOM-CABLE ay inuu sameynaysay khudbada. Doorashada isbedel, dhaqaale iyo Siyaasadeed waxay ka timid mujtamaceena, Xukuummada Somaliland si ay taas u cadeyso, iyada oo doonaysa inay hirgeliso baadi-goobka kobcinta xaga dhaqaalaha iyo is-bedel Siyaasadeed waxay hirgelisay inay siiso Shirakadan [SOMCABLE], ruqsada inay dalka keeni karto, hirgelin kartana mashruuca Sabrin Cable-ka iyo wixii kale eel agama maarmaanka ah ee adeegyo ah”

“Waxyaabahan oo dhami waxay ku hirgelayaan iskaashiga Xukuummada, shacabka, iyo dhamaan Bulshadeena, waxyaabahan oo dhami waxa uga wakiila Xukuummada Wasaarada Boosta iyo isgaadhsiinta, maaha waxyaabo si fudud lagu sameyn karayey daraasad balaadhan iyo mowduuc si weyn looga baaran dagay ilaa iyo imikana halka ay mareyso waa guul aynu dhamaanteen wada gaadhnay”ayuu yidhi Wasiirka boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

Sidoo kale waxa iyagu halkaasi ka hadlaya Aqoonyahan Axmed Xuseen, Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Is-gaadhsiinta Somaliland, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey qiimaha SOM-CABLE ay u leedahay dalkan Somaliland, iyaga oo dhamaantood iska daba-marmaray inay si weyn u soo dhaweynayaan Shirkada SOM-CABLE iyo adeega isgaadhsiinta ee Badda Hoosteeda ah ee ay inoo keeneen.

HWN