sixir-barar.jpgBorama-(Lug)-Waa shay iska caadi ah in mar kastoo ay wax iska beddelaan siyaasadda, dhaqaalaha, nolosha bulshada, caddaladda, nabadgelyda iyo arrimaha kale ee maalin kasta muwaadinku la qabsaday  nolol maalmeedkiisa .

Sidoo kale  ayaa  haddii ay timaad dhimasho  ka dhacda iska hor imaadyo, aafooyin dabiici ah iyo mid ka dhalata qalad bani aadamku sameeyayba  loo nisbeeyaa qaddarka Ilaahay   dad badan oo dunida ka mid ahina ku qancaan .

Hase yeeshee marka ay jiraan duruufo siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa nololeedba  ayaa inta badan eedda dhibaatooyinkaasi dusha loo saaraa hadba nidaamka dawladeed ee xukuma  dadka waxaasoo dhammi ku dhacaan, iyadoo meel la iska dhigayo ama la is illawsiinayo qaddarka Ilaahay.

Maanta ama wakhtigan bishan Ramadaan ay ku jiraan dalalka muslinka ah, ayaa kolleyba waxa ka dhaca isbeddelo badan oo dhinacyo badan leh ,waxase innaga ama reer Somaliland wakhtigan  khuseeya dhawr arrimood oo isbiirbiirsday bishan barakaysan ee ramadaanka .

Waa tan koowaade isbeddelka dhinaca siyaasadda oo wata xaraaradiisa iyo xamaassaddiisa siyaasadeed ayaa taabtay shacbiga. siyaasiyiinta, gobolada, beelaha, xisbiyada iyo dadweyne kaleba kaddib markii la magacaabay in badan oo ka mid ah xubnaha dawladda cusub oo qaarkood ku farxeen kuwa kalena ka cadhoodeen .qaabka wax loo qaybiyey iyo arrinta labaad oo ah saamaynta dhinaca nolosha ee wakhtigan taagan sicir bararka badeecadaha cuntada iyo alaabooyinka hoos dhaca qiimaha Doolarka marka loo eego shilinka Somaliland iyo gabaabsiga shilinka dalka ee suuqyada gobolada kala duwan ee dalka gaar ahaanna G/Awdal.

Haddaba marka la dhegeysto saamaynta dadweynaha ay arrimahani ascaartu ku yeesheen noloshooda ayaad mooddaa in marka laga yimaado qaddarka Ilaahay ay eedeeda la beegsanayaan qaybo ka mid ah dadweynaha iyo dawladda cusub, iyagoo aanan garanayn cid kale oo ay u raacaan culayska ascaarta lacagaha iyo maciishadduu la yimaaddeen wakhtigan .

Maaha markii gu horreysay ee sicirka doolarku uu hoos uga dhaco qiimaha shilinka Somaliland , balse dhawr iyo toban jeer oo hore ayey arrimahani ka dhaceen dalka intaaba dabadeedna culayskooda lagaga badbaaday taallaabooyin dawladihii dalka xukumayey ka qaadeen iyo ganacsatada oo qaarkood shacbiga naxariis u muuiyeen hase yeeshee maanta lama oga qaabka looga  baqdbaadi karayo isku dheelitir la’aanta ascaarta maciishadda iyo hoos u dhaca Doolarka .

Waagii hore ee la aasaasay Somaliland waxa dalka ka dhacay sicir  babar ka dhashay lacagta ama shilinka Somaliland oo suuqyada buuxdhaafiyey dadkuna u heli karayeen si sahlan .balse maanta oo shilin Somalilandkii ka xoogbatay doolarkii iyo lacagihii kale  ee shisheeyaha ayaan   la ogeyn sida wakhtigan looga badbaadi karayo marxaladdan.

Tan iyo labadii toddobvaad ee ugu dambeeyeyba waxa isoo tarayey sicirka isdhaafay saamaynta ay ku yeesheen nolosha bul;shada, waxase badi dadka ay taabteen dhibaatooyinka ka dhashay qiimahaasi lacaguhu ayaa cadho qaarkood kula dulkufaan dawladda cusub ee Axmed Siilaanyo, halka kuwa kalena ay ku canaantaan ganacsatada, iyadoo kuwa kalena ay eedooda dusha ka saarayaan Dawladii hore  ee xukunka lagala wareegay.

Waa tan koowaade  dadka badi xukuumadda cusub ku eedeynaya sicirka isdhaafay ee maciishadda iyo  Doolarka  ayaa inta badan fikirkaasi la qaba  masuulyiintii iyo taageerayashii xukuumaddii hore, kuna tilmaama in xukuumadda cusubi urursatay shilinkii Somaliland, isla markaana ay suuqyada kusoo daysay doolar ciidda leeg, halka kuwa kalena sheegeyaan in qiimo  bararka maciishaddu la xidhiidho cashuuro dhabarka lagaga jebiyey ganacsatada, iyadoo kuwa kalena ku sababaynayaan in qiimaha kor u kacay ee maciishaddu la xidhiidho  welwel laga qabo siyaasadda dalka iyo xukuumadda cusub.

Hase yeeshee marka la dhegeysto kooxaha iyagu xukuumadda cusub ka difaacaya eedahaasi ayaa qiimo bararka  maciishadda ku tilmaamay mid ay keeneen dhaqaale darro haysata xukuumadda cusub, isl;a markaana shilin Somalilandkii dalku lahaa  lagu bixiyey kharashyadii dawladdii hore  gashay, sidaa darteedna xukuumadda cusubi dhaxashay khasnado madhan .Ku wa kale ayaa iyaguna sicir babarka maciishadda ku sheegay suuqyada xaamiga ah ee cammireen dadweyne tiro badan oo ka kala yimid daafaha dunida gaar ahaanna kuwa kasoo firxaday dagaalada  Soomaaliya oo sida la sheegay lasoo guuray dhaqaale ka awood badan  kan  reer Somaliland  awoodi karayeen inay ku iibsadaan wax ku filan noloshooda.

Kuwa kale ayaa iyaguna qiimo dhaca doolarka iyo sicir babarka maciishadda ku eedeynaya ganacsatada waaweyn qaar ka mid ah oo ka cadhaysan sida  loo wado xukuumadda maanta , sidaa darteedna  doonayaan inay xukuumadda cusub farriin u diraan  ku saabsan in daweladda maantu aanay keligeed dalka ku xukumayn sida ay doonayso.

Waxaasoo dhan marka la iskusoo wada duubo waxa nasiib wanaag lagu tilmaami karayaa in madaxda cusub ee Somaliland maanta ogaan karayaan halka sartu ka qudhuntay qiimo  babarka maciishadda, hoos u dhaca doolarka iyo gabaabsiga shilinka Somaliland ka yimaaddeen, Maadaama madaxweyne Siilaanyo yahay aqoonyahan dhinaca dhaqaalaha, isla markaana xilka dhaqaalaha dawladda uu gacanta ku hayo Eng.Maxamed Xaashi oo lagu bartay sida loo dhiso dalka iyo dhaqaalihiisba,

Iyagaana laga yaabaa inay hayaan jidkii looga bixi lahaa  isku miisaan la’aanta ee  dadweynaha Somaliland iyo maaciishadda   kor u kacday  u sheegaan dadweynaha  si loo muujiyo rajo wanaagsan oo ku saabsan in wax degi doonaan maciishadduna caadi kusoo laaban doonto .

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo iyo Maxamed Xaashi looga fadhiyaa inay helaan waddo degdeg xal loogu helo xakamaynta sicir babarka maciishadda  oo hadii ay sidan kusii socoto cadowga Somaliland ee gudaha iyo debeddubba ka faa’iidysan karaan dawladda cusub.

Ugu dambayantiina wakhtigan  xaaladaha siyaasadeed aanay weli degin, isla markaana aanay dalka  dowlada cusubi haysato xilka wax ka yar labo bilood ayaa loo baahan yahay sidii loo waajihi  lahaa xaaladda nololxumada ah  sidii looga bixi lahaa lacagtii dalkani lahaana wax loogu iibsan lahaa inta Doolar iyo lacago kale dalkan ka noqdeen lacagaha wax lagu kala iibsado..

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama