Borama-(Lug)-Xubno ka tirsan xildhibeenada dawladda Sh.Shariif ayaa muddo toddobaad ahba ku jira xabsiga saldhiggaa Booliska Boorama, halka mid kalena la raadinayo .
Xubnahan xildhibeenada ah oo kasoo jeeda G/Awdal ayaa la sheegeyaa in imaatinkooda Boorama la xidhiidho markii ay sii xumaatay xaaladda amniga ee Muqdisho isla markaana ay Somaliland dib ugusoo laabteen si ay ku badbaadiyaan naftooda.
Xadhigooda oo aan ilaa imika la ogeyn cidda ka dambaysa ayaa habeenkii sideedaad waxa ku xidhan Cabdoo Maax iyo Axmed Xuseen (Sitiin), halka Maxamed Axmed Maydhane (Wehel) la baadigoobayo, Axmed xuseen oo isagu habeenkii afraad ugu galay xabsiga Booliska ayaa horeba gobolka iskagasii joogay muddo ka badan laba sannadood, balse aan la ogeyn sababta haatan keentay xadhigiisa.
Waa markii ugu horreysay muddo sannado ah ee siyaasiyiin ka tirsan dawladada Koonfureed lagu xidho Magaalada, iyadoo maanta dad badan oo ka hadlay xadhiggoodu soo jeediyeen in la sii daayo maadaama aanay jirin meel kale oo ay dib ugu noqdaan, hase yeeshee madaxda gobolka iyo ciiddanka amniga ayaa la sheegeyaa inay shuruudo ku xidheen siideyntooda.
Dhinaca kale ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan xadhigga siyaasiyiintaasi oo baxay dhinaca dawladda iyo sababaha loo haysto toona.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh. Ibraahin (Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xildhibeenno Ka Tirsan Xukuumadda Soom-aaliya Oo Weli Ku Jira Xabsiga Booliska Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback