Dhamaan xubnaha Dalada Ardayda JSL ee dalka Yemen waxay si wada jira u cambaaraynayaa shakhsiyaad isku magacaabay inay matalaan Dalada aradyda jsl ee dalka Yemen,
isla markaana sifo aan haboonayn ugu adeeganaya magaca Ardayda, waxana ay halkan ku cadaynayaan in shaqsiyaadkaasi ay yihiin kuwo u taagan dano gaar ah oo shaqsiyeed isla markaana aanan matali Karin kuna hadli karin Magaca iyo Mawqifka ardayda Jaaliyada JSL ee dalka Yemen.
Waxa kale oo ay Dalada Ardayda Jaaliyada JSL ee Yemen marlabaad iyo mar sadexaadba cadaynaa inaanay shakhsiyaadkaasi ku hadli Karin afka ardayda JSL ee dalka Yemen. Dhamaana aradyda Jaaliyada JSL ee dalka Yemen waxay shakhsiyaadkaa ugu baaqayaan inay kawaaan toobaan sheegashada xaqiiqda kafog ee ay kula kacayaan magaca Jaaliyada Ardayda JSL ee dalka Yemen.
Dalada Ardayda JSL ee Dalka Yemen, waa jaaliyad ay ku bahoobeen ardayda waxa ka barata dalka Yemen ee reer Somaliland, waana Dalad u tagaan midnimada Jaaliyada iyo koruqaadista xidhiidhka ka dhexeeya ardayda reer Somaliland iyo bulshada aan la noolahay ee dalka Yemen.
Daladu waxay u tagan yahay sidii ay ardayda reer Somaliland eek u nool dalka yaman u heli lahayd waxbarasho tayo leh iyo dhamaan xuquuqaha aasaasiga ah ee ay ardaydu ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, waxa kale oo uu yahay mid u taagan xushmadna u haya wanaajinta xidhiidhka ka dhexeeya ardayda iyo masuuliyiinta reer Somaliland ee dalka Yemen Ku Sugan.
Gudoomiyaha Jaaliyada Ardayda Somaliland ee dalka Yemen
Maxamed Cali Yuusuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Yemen: Cambaarayn Shaqsiyaad Meelka-dhac Ku Sameeyay Sumacada Magaca Jaaliyada Ardayda JSL ee Dalka Yemen "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback