Boorama-(Lug)-Gudoomiyihii komishanka qaran ee deg. Boorama Mud. Cabdilaahi Cabdi Warsame ayaa maanta ay boolisku saldhiga ku xidheen mudo kooban,
 xadhigan masuulkan qaran oo dhacay saaka subaxnimadii ayaa waxa u suurto gashay in ay shabakada wararka ee Lughayanews wax ka waydiiso sida ay wax u dheceen fiidnimadii caawa.

Isaga oo ka waramaya Gud. Cabdilaahi arintaasi ayaa waxa uu yidhi “ Maanta aniga oo ku sugan xarun ganacsi oo aan leeyahay ayay ii yimaadeen laba askari isla markaana igu war galiyeen in la iiga yeedhayo xafiiska waaxda cashuuraha ee deg. Boorama si aan u bixiyo lacagta liisanka ganacsiga, markii aan soo raacay ee aan imid xaruntii waaxda cashuuraha waxa ay igu diideen inay iga qaataan lacag bir ah oo aan waday markii aan ka dalbaday inaan soo sarifana igama aanay sugin ee waxay ii taxaabeen saldhiga, waxana ay iila dhaqmeen  si xushmad daro ah iyaga oo gaadhay heer ay shaadhka igu dul jeexjeexaan iyaga oo ku andacoonaya inaan ahay raggii hore mana aqaan waxa ay tahay ujeedadu”.

Gudoomiyahan mar wax laga waydiiyay cida uu tuhunsan yahay ee ka dambaysay xadhigiisa ayaa waxa uu ku jawaabay “ Waa laanta cashuuraha ee Dawlada hoose ilaa hada inta ii muuqataa waa intaas wayse jiri karaan wax kale oo ka dambeeya iyo ujeedooyin qarsoon… sikasta ha ahaatee waxa aan u malaynayaa inay daba socoto xadhigii hore loogu gaysatay masuuliyiinta komishanka ee heer gobol.

Gudoomiye Cabdilaahi Cabdi Warsame waxa uu ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka in ay wax ka qabtaan falalka noocan oo kale ah eel ala beegsaayo masuuliyiinta komishanka waxana uu ku gacan saydhay masuulkani in ay maanta jiraan garabyo uu tuhunsan yahay oo aan ilaa hada ku qanacsanayn natiiijooyinkii doorashooyinka qaranka ee dalka ka qabsoomay dhawaan.

Dhinaca kale Taliska Ciidanka Booliska ee Boorama iyo masuuliyiinta waaxda cashuuraha ee dawlada hoose ee Boorama oo ay shabakada wararka ee Lughayanews isku dayday inay wax ka waydiiso xadhiga sarkaalkan ayay ka gaabsadeen inay ka bixiyaan wax faahfaahin ah.


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama