Boorama-(Lug)-Afur iyo casho isku dhafan loo dhan yahay oo loo qabtay dad aad ubadan oo sooman ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga hoose dhexe ee Al-furqaan ee magaalada Boorama
, afurkan oo ah kii 20aad oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Khayriga ah ee Awdal-Charity ayaa waxa ay ujeedadiisu ahay in lagaga farxiyo dadka sooman eek u dhaqan magaalda Boorama isla markaana loo abuuri lahaa deegaan ay dadka sooman isku dhex galaan iyaga oo sii kordhinaya isjacaylka bulshada dhexdeeda ah.
Sida uu u sheegay shabakada wararka ee Lugahaynews masuulka arimaha dibada ee Jimciyada Awdal Charity Sheekh Maxamed Siciid ooku sugan dalka sucuudiga oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay isla markaana ahaa masuulka suurta galiyay afurkan ayaa yidhi “waa muhiim in la isku keeno dadka sooman maalmaha bisha ramadaan ee barakaysan si ay dadka muslimiinta ahi isku dhexgalaan isla markaana meel kaiya ugu wada ducaysataan si eebe loogu dhawaado isla markaan loogu ducaysto ramxadiisa iyo dambidhaafkiisa…. Sheekhu isaga oo siiwata hadlakiisa waxa uu yidhi waa alle mahadii hadii ay noo suurto gashay waanan ku faraxsanahay in walaalaha nagala qayb qaatay ay muujiyeen farxad iyo is jacayl dhexdooda ah iyaga oo ka marag kacay in ay munaasabadani tahaymid u taagan dhacdo diini ah oo khar badani ku sugan yahay”.
Sanadahan dambe sida caadiga ah afurka noocan oo kale ah ee ay qabato jimciyada Awdal Charity ayaa ah mid kulmiya dad aad u badan oo isugu jira fuqaro, culimo iyo dadwayne kale oo isku dhafan, waxana ay maalmaha afurka noocan ookale ahi uu jiro uu yahay mid ay dadka ka soo qayb gala aad isugu farxsan yihiin isla markaana muujinayaan dareen iyo shucuur isku dhafan oo ay ka muuqato isjacayl iyo walaaltinimo.
Hayada Afurkan suurta galisay e Awdal Charity ayaa ah hayad la aasaasay horaantii sanaidihii 90aadkii waxana ay wax badan gacan ka gaysataa kobcinta waxbarashada gudaha ee dadka ku nool gobolka Awdal, waxa kale oo ay hayadani tahay haayad samafal oo u taagan caawinta dadka tabaalaysan eegobolka Awdal gudihiisa.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hayada Samafalka Ah Ee Awdal Charity Oo Maanta Dad Sooman U Samaysay Afur Iyo Casho Loo Dhan Yahay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback