shcabdilaahi_shcali_jawhar.jpgHargeysa-(Lug)- Guddoomiyihii Ha´yada cusub ee Diiwaanka Sakadda Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, ayaa shalay qoraal uu u gudbiyay Madaxtooyada Somaliland
 waxa uu kaga cudur-daartay xilkii Ha´yadan ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay dhawaan.

shcabdilaahi_shcali_jawhar.jpg
 
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar,  oo saaka Shabakada Hadhwanaag News, khadka Telefoonka ugu waramayay isagoo ku sugan masjid jaamaca weyn ee Boorame oo uu ka mariyo daraasaadka diinta Ismaamka, ayaan wax ka weydiinay sababta uu iskaga casilay xilkii Ha´yadan cusub ee Madaxweynuhu u igmaday waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) go´aanka ay igu sharfeen oo anigoo aan xil ka codsan ay ii magacaabeen. waxaan idiin sheegayaa marka hore aad iyo aad ayaan uga soo horjeedaa haddii aad tidhaahdaan iscasilaad, arrintaydu ma aha iscasilaad, oo waxa xilka iska casila qofka hayay xil xafiis hore u jiray, laakiin waxaan ka cudurdaartay xilka Madaxweynuhu ii magacaabay, sababtu waxa weeye waa xil culus Aniguna waxaan daraasaadka diinta ka mariyaa Masjidul Jaamaca Weyn ee Magaalada Boorame oo aan imika oo aan kula hadlayo ku sugan nahay. xilkana waa xil culayskiisa leh oo mar walba doonaya inaad Hargeysa joogto.”

100_0433.jpg
 
“Waxaan xubinimadii Guurtida iskaga casilay inaan u madax banaanaado hawsha aan ka wado masaajidada, Madaxweynaha Somalilandna aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa wuu i sharfay ammaana waan u hayaa, shalay ayaan imid Magaalada Hargeysa waxaanan qoraalkii aan xilkan kaga cudurdaaranayay u gudbiyay Madaxtooyada, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland-na nuqul ayaan siiyay, Xafiiska Xoghaynta Madaxtooyadana waan  u gudbiyay qoraalkayga,”ayuu yidhi Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.
 
Sheekhu wuxuu sheegay inuu filayo in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ka aqbali doono cudur-daarkiisa waxaanu tilmaamay inaanu jirin wax saluug ah iyo cilad kaletoona hase yeeshee aanu haleelayn inuu xilkaasi qabto.
 
Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, oo ah mufti caan ka ah Gobolka Awdal iyo Somalilandba waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu culus taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, waxaanu naqdiyi jiray siyaasadii uu dalka ku hagayay Madaxweynihii hore Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka soo jeeday gobolka Awdal.

100_0438.jpg
 
Wuxuu sheekhu laba sano ka hor iska casilay xubinimadii Golaha Guurtida Somaliland oo uu ku jiray muddo ka badan 16 sanadood, waxaanu xiligaasi sheegay inuu isu casilay dano shakhsi oo gaar ah.
 
Ha´yada Diiwaanka Sakadda ayaa ah Ha´yad cusub oo Madaxweynuhu curiyay walina looma samaynin xaruntii ay ku hawl galaysay, waxaana abuuritaanka Ha´yadani ku jirtay barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE kaga qeyb galay olalihii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.
 

HWN