Borama-(Lug)-Isku day la doonayey in xabsiga saldhigga Booliska Boorama lagaga sii daayo laba xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin xukuumadda Sh.Shariif  ee dalka Soomaaliya ayaa la sheegeyaa inuu mar kale  socon waayey kaddib markii raxan ka mid ah Salaadiinta G/Awdal iyo  maamulka G/Awdal kulan gaar ah ka yeesheen arrintaasi maanta gelinkii hore.

Sida wararku sheegeyaan waxa saaka xafiiska badhasaabka ku kallahay ku dhawaad labaataneeyo xubnood oo isugu jira Madaxdhaqameedyo, Salaadiin iyo Siyaasiyiin , kuweaasoo badhasaabka kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa siyaasiyiintaasi iyadoo aanay jirin wax shuruud ah oo lagu xidhayo siideyntooda, hase badhasaaabka ayaa la sida wararku sheegeyaan ku adkaystay inuu shaki ka qabo in muwaadiniintaasi xidhani yihiin kuwa aaminsan  goonisutaagga Somaliland iyo inkale, isla markaana  la damaanad qaado wixii ka yimaadda joogitaankooda Boorama, taasoo sida la sheegeyo madaxdhaqamneedyadaasi ka gaabsadeen.

Ka dib markii uu dhammaaday shirka ay Salaadiinta iyo badhasaabku ku yeesheen xafiiskiisa ayaa waxay dhammaantood u kicitimeen dhinaca saldhigga Booliiska halkaasoo ay wakhtigaasi ku xidhnaayeen xildhibeenadaasi.

Sida wararku sheegeyaan  Badhsaabka, Taliska ciidanka  iyo Salaadiinta ayaa la sheegeyaa inay si  wadajir ula kulmeen siyaasiyiintaasi  waxna laga weydiiyey  arrimaha xadhigooda iyo siideyntooda.

Inkastoo aanay jirin war rasmi ah oo ku saabsan waxay ka wada hadleen saddexdaa dhinac iyo xildhibeenada xidhani, balse warar ku dhawdhaw ayaa dheegeya in xildhibeenada sii deyntooda dawladdu ku xidhay shuruudo, hase yeeshee madaxdhaqameedyadu ku qanci waayeen  sidaana  ay sii deyntoodu  dib ugu dhacday markii la isku afgaran waayey.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama