Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa ilaa xalay waxa ka taagan jahwareer dhinaca ganacsiga ah kaddib markii uu mar kale hoos dhac ku yimid qiimahaha lacagta birta Itoobiya,
qiimo babarka badeecadaha ciidalfidriga iyo maciishadda iyo gabaabsiga shilinka Somaliland.
Qaybo ka mid ah goobaha ganacsiga magaalada ayaa istaagay, halka kuwa kalena ay diideen isticmaalka lacagta Birta Itoobiya oo qiimaheedu hoos u dhaafay ilaa 3.500SL/Sh tobankii Bir .
Dad badan oo ku talogalay inay suuqyada magaalada gaar ahaanna bacadlayaasha labiska ciidda uga soo iibiyaan ubadkooda ayaa ku hongoobay kaddib markii qiimaha halka shaadh ee ilamaha shan jirka ahi kor u dhaafay ilaa 20 Doolar .
Dhab ahaan lama oga sababta keentay waxyaalahan fadhiisiyey ganacsigii magaalada dadweynaha ku riday jahwareerka, balse warar is -khilaafsan ayaa siyaalo kala duwan loogu xidhiidhinayaa waxa dhacay .
Waa tan koowaade waxay dadka qaar leeyihiin dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Wajaale oo istaagay ayaa saamayan ku yeeshay, halka kuwa kalena sheegeyaan in dawladda cusub ee Somaliland xeraysatay lacagtii shilin Somalilandka ahayd, Kuwa kalena ayaa iyaguna dhibaatada dhaqaale ku xidhiidhinaya arrimaha Itoobiya oo sida la sheegay wax iska beddeleen qiimihii birta.
Dadweynaa qaar ayaa sidoo kale aaminsan in hoos udhaca birta iyo gabaabsiga shilinka Somaliland yahay qorshe lagu mijaxaabinayo ganacsiga reer Boorama oo inta badan ku xidhan Birta Itoobiya, halka kuwa kalena arrintan ku eedeeyeen sarriflayaasha magaalada oo si xeelad ah dadka uga fara maroojinaa birta Itoobiya si hadhaw ay uga macaashaan.
Qaybo ka mid ah dadweynaha kaydka u haystay birta Itoobiya oo ay inta badan taabatay dhibaatada sicirka isbedeleya ayaa dhinaca kale maamulka dawladda cusub ku eedeeyey inaysan wax ka qabanayn dhaqaale darada taagan, tallaabana aanay ka qaadin ganacsatada cidhiidhiga ku haya noloshooda.
Mulkiilaha Sarriflaha keliya ee maanta Boorama lacagta birta ah qiimaha hoose ugu bedelayey lana yidhaa Idiris Muxumed (Idiris Sarifle) oo ay Lughayanews wax ka weydiiyey isbeddelka lacageed ee keenay dhibaatada dhaqaale ayaa ii sheegay inaysan jirin wax dheeraad oo is beddelay marka laga reebo Baanka Itoobiya oo la sheegay inuu hoos u dhigay qiimaha birta marka loo eego Doolarka oo la gaadhsiiyey halkii doolarba 16 birr, qiimaha shilinka Somaliland iyo doolarka iska yahay caadi, sidaa darteedna aanay jirin wax dheeraad oo dadku ka argagaxaan .balse dad ujeedooyin gaar ah lihi arrinta sii buunbuuninayaan.
Dhinaca kale qaar ka mid ah gaacsatada dharka iyo labiska ciidda ayaa dad badani ku eedeynayaan inay dadweynaha isugu dareen sicir babar dhinaca doolarka ah iyo diidmada lacagta birta Itoobiya oo awal lagu macaamili jiray, balse haatan ay wadaan arrimo iska horkeeni kara dawladda cusub, ganacsatada iyo dadweynaa. halka qaar ka mid ah ganacsatada bakhaarada cuntaduna maanta qaarkood albaabada u laabeen meheradahoodii.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jahwareer Hadheeyey Dhaqadhaqaaqa Ganacsiga Boorama + Hoos U Dhaca Qiima-ha Lacagta Birta Ethiopia + Saamaynta Nolo-leed Ee Ka Dhalatay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback