gebiley.jpgHargeysa (HWN)-Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan Boodhkii Jaamacadda Timacadde ee Gabilay oo todobaadkii hore loo bedelay dugsiga Sare Timacadde ayaa xiisad ka abuurtay gobolka Gabilay waxaana la isku hayaa dhismaha jaamacada oo markii la aasaasay lagu wareejiyay dugsigii sare ee Qalax.

Maamulaha dugsiga sare  Qalax ayaa lagu eedeeyay inuu boodhkii jaamacada fujiyay oo uu u bedelay dugsi sare. Arrintan oo xaalad adagi ka taagan tahay ayaanu saaka booqanay jaamacadaasi waxaanu wax ka weydiinay masuuliyiin ay ka yihiin Maayarka, Maamulaha jaamacada Tima Cadde, Guddoonka waxbarashada Gobolka iyo maamulaha dugsiga sare ee Qalax.

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabilay Maxamed Maxamuud Xaddi oo aanu arrintan wax ka weydiinay wuxuu yidhi “Jaamacaddu waxay ku bilaabantay in dugsiga sare ee Timacadde ee Qalax ku yaala laga dhiso, goob ka soo sokaysana dugsigii sare looga dhiso dhisme cusub oo maadaama oo jaamacad loo baahday dhismihii qalax la siiyo jaamacadda Gabilay. Marka dhismahan cusub la dhamaystirana uu dugsiga sare loo soo raro. Dhismihii loo dhisayay dugsiga sare wali muu dhamaystirmin oo waa qabyo. waxa soo kordhaya sanadkan oo dugsiga Dhexe ka  soo baxaya lix fasal oo ah form1 waxay u baahan yihiin fasalo cusub oo dugsigii sare ee qalax ka dhisnaa ma wada qaadi karo form1 illaa fasalka afraad ee dugsiga sare. Ha’yada DRC waxay wadataa qorshe ah inay dhisto afar fasal. Markaa maamulaha dugsiga sare ayaa wuxuu soo jeediyay in afarta fasal laga dhiso halka uu imika ku sii jiro dugsiga sare.”

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Gabilay oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Maadaama oo macalimiinta haddii ay galinka dambe soo noqdaan aan lacag la siinaynin waxay noqotay in halka dugsiga sare ku jiro  uun fasalo looga helo. Aniga maamule Aws sidaasi ayuu ii fahamsiiyay arrinta,intaas ka dibna  shir ayaanu iskugu nimid macaal guddoomiyihii Jaamacada Gabilay. Waxa aniga macquul ila noqotay in Cabashada maamule Aws ee uu yidhi maadaama oo jaamacadda lacagtii loo ururiyay may ahayn inuu maanta qabyo ahaado dugsigii sare. Afarta galaas ee la dhisayo maadaama oo ay form1-diina soo baxayaan waa in la dhamaystiraa dugsigii sare. Afarta galaas halkii jaamacada loogu tallo galay ayaanu ku daraynaa.”               
            
Guddoonka Waxbarashada Gobolka Gabilay Maxamed Maxamuud Xaddi wuxuu sheegay in lagu deg degay in boodhka jaamacada la tirtiro, waxaanu yidhi “Iskuma ogin mana ogi Anigu shakhsiyan boodha la bedalay, waxaanay ila tahay in lagu deg degay maadama oo heshiis hore loo galay iyadoo arrinta aan meel la iska dhigin. Jaamacada iyo dugsiga sareba waxa leh reer Gabilay. Waxaan ku celinayaa in iyadoo aan wax la isku waafaqin in boodha la fujiyaa waa deg deg.boodhka la fujiyayna wuxuu ku kooban yahay cidii baabiisay oo qudha oo anagu ma ogin.”

Maayarka degmada Gabilay Md. Aadan Muxumed Badde, oo isagana aanu wax ka weydiinay sababta boodhkii jaamacada looga fujiyay goobtii loo asteeyay wuxuu yidhi “Ma ogi laakiin waa khalad in boodhka jaamacada la fujiyo oo la bedelo waanan soo eegayaa, dhibaatana waxay ka jirtaa xaga tirada ardayda oo dugsigii sare oo hore dhismihii loogu tallo galay hore u dhamaystirmi waayay, waxaana lagu waday in jaamacaddu u guurto dhismihii hore ee dugsiga sare Timacadde, dusgsiga sarena uu dhismaha cusub u soo guuro.”

Maayarka oo la weydiiyay saamaynta nabadgelyada ay ku yeelan karto boodhkii jaamacada ee sida qarsoodiga ah loo masaxay wuxuu yidhi “Horta nabadgelyada wax saamayn ah kuma yeelanayso, u magac bixinta iyo ku dhejinta boodhadhkaba waxa leh maamulka Jaamacada Gabilay, Anaguna maamulkii degmada iyo kii gobolka ayaanu nahay wixii aanu ka wada tashano uun baa soconaya. Wixii kale ma soconayaan.”
 
Dhinaca kale waxaanu  isna wax ka weydiinay waxa uu kala socdo boodhkii Jaamacada Timacadde oo loo bedelay dugsi sare Cismaan Yuusuf Magan, waxaanu yidhi “Haddii aaan arrintan ka jawaabo waa fal dambiyeed lagula kacay jaamacadda, cidii toos u masaxday lama caddayn. Laakiin Ha’yado arrintaasi u qaabilsan inay baadhaan ayaa jira. Jaamacaddu waxay ku soo baxday digreeto Madaxweyne, dhulka dugsiga iyo jaamacaddana waxa lagu kala wareejiyay digreeto Madaxweyne. Furitaankeediina maamulka dawladu wuu u dhamaa xisbiyo iyo xukuumadba. Markii ay dhacday in nalagu wareejiyay dugsigii Qalax, waxa khasab noqotay in ardaydii dugsiga sare ee wax ku baran jirtay dhisme loo raadiyo. Waxay noqotay Aniga iyo Badhasaabkii hore ee Gabilay waxaanu isla qaadanay in magaalada dhexdeeda dugsigii sare looga dhiso dhisme.”

Cismaan Yuusuf Magan, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan hadda maqlayaa boodhkii jaamacadda oo la masaxay iyo haddii ay tahay maamulaha dugsiga sare ee Qalax oo igu yidhi digreetadda Madaxweynaha ma aan arag oo waxba kama jiraan meeshuna ma aha jaamacad ee waa dugsigii sare ee Qalax, Wasaarada Waxbarashada ayay u taallaa sidii ay arrintan wax uga qaban lahayd. Wasaarada waxa looga baahan yahay inay soo caddayso in laga noqday digreetadii lagu aasaasay Jaamacada ee lagu siiyay dhulkaasi, Anigu maamul ahaan aad ayaan uga xumahay in dad gobolkii u dhashay oo bahdii waxbarashada ka tirsani inay carqaladeeyaan Jaamacadii waxaynu doonaynaana waa horumarkii waxbarashada gobolka. Waxaan rajaynayaa in cidii ay khusaysaa arrintaasi  wax ka qabato.”

Sidoo kale, Maamulaha dugsiga Qalax Mr. Aws oo lagu eedeeyay inuu gacantiisa ku bedelay boodhkii jaamacada oo sidaanu ku aragnay  u bedelay Dugsiga sare ee Timacadde ee Magaalada Gabilay, ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan wuxuu yidhi “Meesha miyaydaan ogayn inay hore dugsi sare u ahayd.”

Waxaanu sheegay in boodhka jaamacada ee uu fujiyay uu kala tashaday dadweynaha reer Gabilay waxaanu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo arrintaasi.
 

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com