boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-8.JPG

Boorama-(Lug)-Kooxda Kubada Cagta ee Blue Sky D. Photo ayaa maanta guul aad u balaadhn ka soo hoysay tartanka bisha ramadaan ee magaalada Boorama, ciyaartan oo ahayd mid lawada sugayay ayaa waxa ay dhex martay kooxaha Blue Sky D. Photo iyo Telesom waxana ay ahayd ciyaartii ugu horaytsay ee wareega 4 dhamaadka (Semi-final) oo loogu gudbayay wareega faynalka.

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-6.JPG

koobka-soonka-boorama-4.jpg

Ciyaartu maanta waxa ay ku bilaabatay dardar xoogan oo ay labada kooxoodba ku doonayaan inay maanta ugu gudbaan ciyaarta Finalka ah, waxase hubaal ahay in aan lawada gudbayn oo ay finalka aadayso oo kaliya kooxda maanta guulaysata. Daqiiqadihii hore ee ciyaaraarta ayaa kubad si aad u quruxbadan uu shabaga kooxda TELESOM taabsiiyay ciyaaryahan Maslax oo u ciyaarayay kooxda Blue Sky D. Photo.   Goolkan ayaana noqday furahii xamaasad iyo sawaxan hor leh oo sii kululeeyay xaraaradii ciyaarta iyo qayladii taageerayaasha.

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-7.JPG

Dhinaceeda ayaa kooxda Telesom oo aan niyad jabin waxa ay qaaday weeraro isdaba jog ah oo ay ku doonayso inay goolka lagu leeyahay ku keensato, weeraradan oo ahaa kuwo sidii dhibic roob ah ugu hoorayay goolka  kooxda Blue Sky ayaa waxa mar kaliya Jeegaan circa ka soobaxday oo kale u istaajiyay gool lama fulaan ah oo ciyaaryahan Maslax inta uukubada la baxsaday waliba isaga oo xaragoonaya oo shabaqa kooxda Telesom kuyidhi 2 dheh”. Waxana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nasatay 2:0 ay ciyaarta ku hogaaminayso kooxda Blue Sky D. Photo.

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-1.JPG

Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxa ay kooxda Telesom la soo gashay garoonka firfircooni kale oo hor leh oo ay ka muuqatay inay dibada iska soo canaanteen, waxaas oo dadaal ah oo ay muujiyeen kooxda Telesom-na waxaba ka ma suurto galin oo waxa hawada u diray gool sedexdaad oo uu shabaga kooxda Taabsiiyay Ciyaaryahan Cabdiqaadir Xuseen Khaliif. Goolkan sedexaad ayaa noqday sabatii kala dadashada iyo quusta ugu wacnayd kooxda Telesom dhinaca kalana kooxda Bllue Sky D. Photo ka dhigay markii ugu horaysay ee ay u gudubto ciyaarta finalka ah ee Koobka Kubada Cagta ee Bisha Ramadaan ee magaalada Boorama ee Sanadka 2010

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-2.JPG

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-3.JPG

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-4.JPG

boorama-kooxda-blue-sky-d-photo-5.JPG

Wariye:-
Cabdale cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama