boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-1.JPGBoorama-(Lug)-Shirkada ah hormuudka isgaadhsiinta ee dalka ee Telesom ayaa maanta kaalin wayn ka qaadatay ololahii nadaafada ee maanta oo ku taariikhaysan 5 September 2010 ka qabsoomay dalka oo dhan. Ololahan oo dhinaca shirkada Telesom oo ka hogaaminayay Gud. Ku Xigeenka Shirkada Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac ayaa waxa ayaa waxa kala qayb galay tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha shirkada waxana iyaga oo wata qalabka nadaafada ay olole xoogan ku qaadeen agagaarka shirkada halkaasi oo ay hormood ka noqdeen ololahan balaadhan ee nadaafada ee maalintan.

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-3.JPG

Gud. Ku Xigeenka Shirkada Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac oo la hadlay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa u sheegay inay aaad ugu faraxsan yihiin inay bulshada kala qayb qaataan hawlo lafdhabar u ah hilitaanka bulsho caafimaad qabta oo ay sarayso nadaafadoodu waxana uu yidhi “ Waa alle mahadii hadii maanta la iska kaashaday ilaalinta nadaafada, shirkada Telesom hore yay ugu baaqday in ay nadaafadu tahay iimaanka badhkii isla markaana hormood uga ahayd adeegyada bulshada eek u aadan dhinaca nadaafada”.

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-1.JPG

Gudoomiye ku xigeenku isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “ Waxa maanta qabsoomay waa hawlgal muhiim ah oo loo baahnaa waana hubal inuu maanta dad badan xasuusinayo halkudhigii hadraawi ee ahaa Indhihii basaasoow Boorama ma aragteen…. Waxa aan hambalyaynayaa cidwalba oo ka qayb qaadatay hawlgalkan wxana aan leenahay waxa aad qabateen waa talaabo loo baahanaa”.

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-4.JPG

Maanta shaqaalaha shirkada Telesom ayaa hawlgalkan dhinaca nadaafada ah ee ay fuliyeen ayaa waxa uu ahaa mid ka muuqday badhtamaha suuqa Boorama, waxana kala qayb qaatay xoghayaha dawlada hoose ee Boorama Mud. Cabdirisaaq Cali Cismaan, xoghayaha ayaa waxa uu u sheegay Lughayanews inay aad ugu faraxsan yihiin kaalinta ay shirkada Telesom ka qaadatay hawlgalkan nadaaafada ee maanta waxana uu yidhi “ Waxa haboon in ay shirkiikadaha kale ee gaarka loo leeyahay ku daydaan Telesom oo muujisay wadaniyad iyo hormuudnimo”.

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-5.JPG

Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa ah mid hormuud ka ah hawlaha waxqabad ee bulshada ka dhex socda waxana ay inta badan shirkadu muujisay inay heelan iyo diyaar u tahay hormarinta iyo ka qaybqaadashada adeegyada bulshada dhexdeeda ka socda.

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-6.JPG

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-7.JPG

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-9.JPG

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-10.JPG

boramatelesom-iyo-ololaha-nadaafada-sep-11.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama