Boorama-(Lug)-Raashin deeq ah oo ay ku soo yabooheen walaalaha muslimiinta ah ee ku bahoobay ururka ARDAA oo uu fadhigiisu yahay dalka maraykanka ayaa maanta la gaadhsiiyay 18 qoys oo danyar ah, raashinkan oo isugu jiray bariis, daqiiq, sonkor, saliid iyo qadar lacag ah oo kooban oo loogu talo galay in lagu bixiyo noolka alaabadaasi ayaa waxa maanta qaybiyay gudiga ururka ARDAA wakiilka uga ah gobolka Awdal oo uu madax u ahaa Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi isla markaana ay ku wehelinayeen Sh. Xasan Daheeye Axmed iyo Sh. Maxamad Daahir Dhawal.
Qoysaska raashinkan maanta u helay nasiibka ayaa waxa ay ku kulmeen barxad balaadhan oo ay suxufiyiinta shabakada wararka ee Lughayanews goobjoog ka ahaayeen, waxana uu raashinkani ku soo beegmay waqti ay gabo-gabo tahay bishii ramadaan isla markaana ay qoysas badan oo dan yar ahi u baahan yihiin in la caawiyo.
Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo ahaa gudoomiyaha gudidan qaybisay raashinkan ayaa waxa uu tilmaamay meesha uu ka yimid raashinkani waxana uu yidhi “ Kolay waxa soo diray dhalinyaro qurbo joogta(North America) oo la magac baxay ARDAA, waa raashin kooban balse waxwayn u taraya qoys walba oo qaatay maalmaha lagu gudo jiro bisha ramadaan, waxa aan hubaa in ay yihiin dhalinyaro is ilqaantay inta badana si wayn ugu fikirta ka qayb qaadashada hormarka gobolkan, waxa ay rajaynayaan dhalinyartan ARDAA ku bahowday inay mustaqbalka dhaw dhisaan hadii ay suurto gasho dekeda Lughaya, sidoo kale intii ay socdeen hawlihii jidka laamiga ah iyo abaarihii ku dhuftay goboladan waxa ay ka gaysteen gacan muuqata.
Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna hadal kooban ka jeediyay madashan ayaa waxa uu xusay inta ay dhan tahay qadarkii lacagta ahaa ee ay walaalaha ARDAA soo bixiyeen iyo sida ay u qaybiyeen waxana uu yidhi “ Qadarka lacagta ah ee na soo gaadhay waa 1000 Doolar, waxa suurto gal ahayd in aan dad badan gaadhsiino balse waxa an go’aansanay in aan qaabkan maanta aad u qaadanaysaan u bixino kaasi oo ah in qoysas 18 ah aan qoys walba siino in ku filan oo mudo kooban anfacaysa. Waxa aan u mahadnaqayaa dhinyarda ARDAA waxana aan leeyahay dhamaan qurbo jooga kale muujiya dadaal iyo karti aad wax ugu qabanaysaan dadkiina ku sugan gudaha dalka.
Sh. Xasan Daheeye Axmed oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu u mahad naqay dhalinyaran ku midawday magaca ARDAA waxana uu u sheegay 18ka qoys ee maanta la siinayay deeqdan raashinka ah in ay tahay Sakadii bisha ramadaan, waxana uu ka codsaday qoysaskan inay u soo duceeyaan dhalinyaradan oo uu tilmaamay in iyaga oo ku sugan waqooyiga Maraykanka hadana ay yeesheen dareen damqasho badan oo ku hagay inay dadkooda mar walba wax soo taraan gaar ahaan bilaha khayrka qaba ee Ramadan.
Ururkan ARDAA oo uu fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa ah urur samofal oo inta badan gacan ka gaysta arimo badan oo isugu jira gurmadka dadka tabaalaysan ee waqtiga masiibooyinka , hormarka gudaha ee ay ka mid yihiin dhismaha jidka laamiga ah ee Boorama iyo amuuro badan.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 18 Qoys Oo Danyar Ah Oo Maanta La Gaadhsiiyay Raashin Deeq Ah Oo Uu Ku Yaboohay Ururka ARDAA "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback