golaha-guurtida.jpgHargeysa-(Lug)-Fadhi aan caadi ahayn ayay maanta ku yeesheen Mudanayaasha Aqalka Odayaasha ee Guurtidu Hoolka Hay’adda Shaqaalaha, kaasi oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo

Kulanka Guurtidu ay ka yeelatay muddo kordhinta loo samaynayo Golayaasha Qaranka qaarkood ee dib loogu dhigayo Doorashooyinkoodii Kulanka waxa  ka soo qayb galay inta badan mudanayaasha Golaha Guurtidda waxaana loo akhriyay Qoraalka uu Madaxweyne Siilaanyo kaga soo dalbaday in ay ugu kordhiyaan mudada ay Golayaashu xilka sii hayn doonaan inta laga qabanayo Doorashooyinkooda ama laga soo xulanayo

Sh. Axmed Sh Nuux Furre oo ah Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida iyo Siciid Jaamac Cali oo isna ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi oo guddoominayay fadhigii aan caadiga ahayn ee maanta ayaa mudanayaasha u akhriyay qoraalka Madaxweynuhu u soo qoray oo nuxur ahaan u dhignaa “ sida aad la socotaanba waxa muddo dhaaf ah Doorashadii Golaha Deegaanka, sidoo kale waxa wakhtigoodii dhamaanayaa labada Gole ee Baarlamaanka, anigoo maanka ku haya duruufaha dhaqaale ee taagan iyo shrciyadii Golayaashaas lagu soo dooran lahaa oo aan dhamaystirnayn isla markaana dhawaan uun Doorasho qabsanay, waxa aan idinka codsanayaa inaad waajibaadkiina Distooriga ah ka gudataan oo aad kordhisaan mudada xilka ee Golayaashaasi” isagoo qoraalkaasi uu Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyay Golaha Guurida uu u soo cuskaday qoddobada Dastuuriga ah ee mudada Gole kastaa jirayo iyo qaabka loo soo dooranayo

Shirguddoonka ayaa qoraalkaasi kadib u soo jeediyay Mudanayaasha hadla dardaaran ah oo ku saabsan iyadoo laga shidaal qaadanayo soo jeedinta Madaxweynaha in hadana Goluhu si miyir qabta waajibaadkiisa uga guto isla markaana masuuliyada Qaran ee ka saran arrintan u gudagalaan si caafimaad qabta oo aan lahayn is-xag-xagasho iyo lab la-kac ee ay u talo badsadaan

Hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa soo jeediyay af-kaaro kala duwan kuwaasoo qaarkood ay Mooshin qoraal ah shirguddonka ugu gudbiyeen, qaarkoodna codkooda toos uga dhiibteen madasha, tusaale ahaana soo jeedinta ugu weynayd ee aakhirkii Goluhu u guuxay shir-guddoonkuna ku raacay waxay ahayd in Shirguddoonku Golaha horkeeno talo cad oo laga duulo oo lagu saleeyo muddo kordhinta

Waxaana kulankii maanta lagu xidhay in laga warsugo shirguddoonka si ay isugu soo duwaan waxa la yeelayo

Waaheen