Borama-(Lug)-Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa sida la ogyahay beryahanba lagu haystaa arrimo ku saabsan qaabdhismeedka dawladda, masuulyiinta laamaha kala duwan.
Run iyo been midkay doontaba ha ahaatee waxa sidoo kale isasoo taraya dacaayadaha ku salaysan , cadaawad siyaasadeed, kuwa beeleed iyo kuwa ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo mucaarad kala jaadjaad ah oo doonaya inay ku farxaan burburka xukuumadda Axmed Siilaanyo.
Waxa xukuumadda cusub laga soo galay ama dacaayadaha lagu aasaas u ah qaabdhismeedka dawladda, xubno ka tirsan masuulyiinta aqalka madaxtooyada, arrimaha dhaqaalaha , xidhiidhka dalalka deriska ah, arrimo diinta iyo amniga, Waxa soo badanaya warbaahinta ama wargeysyada kala Jaadjaadka ah ee mid kasdtaaba u xaytay inuu dhaleeceeyo xukuumadda Cusub kuwaasoo la jaanqaaday mucaarad kasoo jeeda xukuumaddii hore ee xisbiga UDUB, cabashooyin beeled, kuwa gobol iyo kuwa siyaasiyiineedba , kuwaasoo durba taageero niyadda ka heleyo siyaasiyiintii lasoo dhimatay xisbiga Kulmiye ee aan ilaa maanta ka muuqan xukuumadda cusub, isla markaana kaynta ugu jira sidii ay mar uun dawladda xisbiga Kulmiye uga aarsan lahaayeen .
Inkastoo xukuumadda cusubi jirto wax ka yar laba bilood hase yeeshee cago looma dhigin ee markiiba waxay qaybo ka mid ah beelaha Somaliland oo u bartay inay saami xoog leh ku yeeshaan xukuumad kasta oo Somaliland yeelato iyo kuwa isku haysta inay codadkoodii siiyeen xisbiga KulMIYE iskuna arka in Kulmiye ka abaaldaray .Xafiisyada dawladda ee ay daxashay xukuumadda Axmed siilaanyo, isla markaana ay qaarkood sii joogaan rag xidhiidh wanaagsan iyo naasmuujinba ku haystay xukuumaddii dhacday, kuwaasoo u dhoolcaddaynaya xukuumadda cusub balse laga yaabo inay arrimo kale u dheer yihiin .
Sidoo kale ayaa waxa xukuumadda cusub lasoo dersay naxdin maalin walba kaga imanaysa talaabada ay qaaddo oo siyaalo kala duwan loo fasiro, masuul ay xil u magacawdo oo durba qaarkood u muuqdaan kuwa aan ku qanaacsanayn xilkaasi, isna siiyey xilal ka ballaadhan .
Sidoo kale ayaa waxa maalin kastaba la hadalhayaa dhibaatada dhaqaale ee taagan wakhtiigan, sicir babarka maciishadda iyo hoos u dhaca birta Itoobiya kuwaasoo saamayn ku yeeshay nolosha dadweynaha Somaliland ilaa imikana xukuumadda cusubi ka gaabisay sidii ay dadweynaha uga qancin lahayd meesha wax iska beddeleen ,iyadoo aad mooddo in xukuumadda Axmed Siilaanyo micin moodday inay wax kasta ka amusto ama aanay waxba kasoo qaadin taasina laga yaabo inay keento saamayn dhinaca siyaasadda ah .Waxa la sheegaa inuu xumaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka deriska ah, iyadoo dhinaca kalena laga dayrinayo arrimaha amniga ,qaar ka mid ah dadweynaha iyo siyaasiyiinta Somaliland ku sheekaystaan in dalku khatar ugu jiro argaggixsada iyo Al Shabaab .
Haddaba marka la isku geeyo dhaliilaha durba lagu suntay xukuumadda cusub iyo siyaasadda u degsan xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa ah laba shay oo kala fog, taasoo dadka qaarkii aaminsan yihiin inaysan xukuumadda cusubi awood u lahayn inay qaaddo tallaabooyin ad-adag oo lagu deminayo qaylada ka imanaysa siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah dadweynaha oo aan isweydiin waxa ka iman kara hadii xukuumadda cusub itaal gabto ama siyaasad ahaan laga horyimaaddo taasoo loo arko inay fursad fiican u noqonayso kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya .
SI kastaba ha ahaatee warmaha loo afaysanyo ama loo afaystay xukuumadda cusub ayaan ku ekayn oo keli ah dadka iyo dalka Somaliland, kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii xukuumadda loogala beegsan lahaa meelaha goljilicda ah ee aanay xukuumaddani ka dhaqaaqi Karin, sida amniga oo kale, sidaa darteedna loo baahan yahay in xukuumadda cusubi dhegeysato waxa kasoo baxay qaybaha bulshada iyo siyaasiyiin beeleedyada cadhaysan, xal u helidda arrimaha dhaqaalaha iyo isbeddel lagu sameeyo mansabyada dawladda oo dadweynaha qaarkood u arkaan inay dhinac ka raran tahay.
Xukuumadda cusub ayaa ciidda dabadeed looga fadhiyaa inay degdeg u dhammaystirrato xilalka mansabyada kale duwan ee weli qabyada ah, miisaanka la saaro cidda xilalkaasi ku habboon gobol ahaan weji dadweynaha qaarkood illawsiin kara daldaloolada maanta ka muuqda xukuumadda cusub, isla markaana dhinaca diblomaasiyadda dalalka deriska ah xoogga la saaro, haddiise ay dawladda Somaliland ee ku caasimaddu iska illawdo dalka intiisa kale ,waxa iman doonta maalin ay ku adkaan doonto sidii ay shacbiga ugusoo dabbaali lahayd taageeradeeda, lana raaligelin waayo cidda maanta tebeysa inay wax kaga maqan yihiin xukuumadda cusub ee ay reer Awdal ugu hoorreeyaan.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback