Boorama-(Lug)-Maanta ayaa madarasada Sh. Aways ee xaafadda Saabeeriya ee magaalda Boorama lagu qaybiyay qayb muhiim ah oo ka mid ahayd sakada bisha ramadaan ee dadka ku dhaqan xaafadaasi. Sakadan maanta la qaybiyay ayaa la gaadhsiiyay 228 qoys oo kala duwan isla markaana isugu jiray fuqaro iyo dadka le oo agoomo iyo dan yar kaleba lahaa.
Masuulkii hawshan maanta qabsoontay Sh. Aways Sh. Cabdilaahi Cali ayaa u sheegay shabakada Lughayanews sida ay u qaybiyeen sakada maanta iyo meesha ay ka timid waxana uu yidhi “ Ilaahay ha ka abaalmariyee waxa aan ka soo ururinay sakadan dadka jaarka oo noo keenay qayb kamid ah sakadii ay qorshaysteen inay bixiyaan, waxana aan isugu xidhdhay min-sideed galaan oo hadhuudh ah waxana aan u qaybinay 228 qoys oo kala duwan oo isugu jira fuqaro, iyo danyar kale.
Sh. Aways waxa kale oo uu sheegay in ay gacan balaadhan ka gaysteen hawshani sakada la qaybiyay Jimciyadaha Awdal Charity iyo Idil waxana uu yidhi Ilaahay ha ka raali noqdee Sh. Xasan Daheeye ayaan u mahadnaqynaa oo qayb muhiim ah ka gaysatay soo ururintii iyo dhiiri galintii sakadan, waxana ay tani tahay sanadkii 13 ee aan sidan oo kale u qaybino.
Inta badan sakada noocan loo qaybiyo oo ay can ku tahay xaafada Saabeeriya gaar ahaan xaafada u dhow madarasada Sh. Aways ayaa waxa ay tahaymid ay dad badani ka faa’iidaystaan waxana uu Sh. Aways Sh. Cabdilaahi ugu baaqayaa sanadaha soo socda inay dadka qurbo jooga ahi qayb ka noqdaan inta soo bixisa sakadooda kuna soo hagaajisa Sheekha si loogu qaybiyo dadka masaakiinta ah.
Dhinaca kale waxa iyaguna dhinacooda deeq sako ah dadka danyarta ah ka soo gaadhsiiyay jaaliyada Soomaalida ee degan magaalada Lister ee dalka Ingiriisa, waxana mahadnaq gaadhiiyay Sh. Aways. Sh. Cabdilaahi Cali
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madarasada Sh. Aways Oo 228 Qoys Maanta Loogu Qaybiyay Sakadii Bisha Ramadaan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback