Aragti (Lug)- Inkasta oo ay Somali Land ku jirto xilli kala guur ah oo ay labo xukuumadood isbadeleyaan, wax caadi ahna ay tahay in xilliyadaasi oo kale ay soo ifbaxaan dhaliilo iyo habacsanaan wajiyo badan oo saamayn karta dhinacyada kala duwan ee maamulka, haddaba iyada oo ay sidaa tahay haddana waxaa arrin yaable noqotay inay malleeshiyo la sheegey inay raacsantaahy jabahadda ONLF 13kii bishan September ka soo degtay xeebaha galbeedka Somali Land una gudubtay gudaha Ethiopia, arrintaasina ay siyaasiyiin kala duwani masuuliyaddeeda dusha u saareen bulshada ku nool gobollada Awdal iyo Selel.
Marka qaran la yahay ma qurux badna in dhibaato dal ku habsatay reer cayiman loo aaneeyo waana tallaabo ceeb ah kana dhan ah asaasiyaadka siyaasadda iyo maamulka, arrimahan oo kale marka ay dhacaan kaliya waxa habboon in qiimeyn iyo xog raadin la gelo deedna kedinka ay dhaxantu ka soo geleyso la iska oodo ama la iska adkeeyo wixii natiijo soo baxana la dhaqan geliyo, taasoo macnaheedu yahay in la xoojiyo ciidamada xeebaha galbeed ee Somali Land lana siiyo wax kasta oo ay xaq u leeyihiin si ay sii wadaan una derder geliyaan dedaalkii ay 15ka sannadood soo wadeen kuna sugayeen ammaanka xeebaha iyo dulahaanba galbeedka Somali Land, tallaabana laga qaado cid kasta oo ay dhaliishasi ku caddaato.
Dad badan baa markii ay dhacdadani dhacdayba la soo booday in si degdeg ah loo casilo taliyaha ciidmada xeebaha galbeedka Somali Land Gen. Maxamad Cismaan Ibraahim (Xudhuun) oo ay ku sheegeen kalidii taliye deegaannadaasi siduu doona ka yeela awood iyo dhiirigelin badanna ka heli jiray madaxwaynihii hore ee Somali Land Dahir Rayaale Kahin waxana la isugu xidhay labada masuul hab ay qabyaalad, cunsuiyad iyo dib u dhac badani ku jiraan.
Sida dhabta ah Gen. Maxamad Xudhuun waxaa u magacaabay jagadan madaxwaynihii labaad ee Somali Land marxuum Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ku xigeenkiisii xilligaasi Cabdi Raxmaan Aw Cali Faarax oo labaduba yaqaannay kartida, xirfadda iyo aqoonta ciidannimo ee ballaadhan ee uu leeyahay Maxamad Xudhuun, tan iyo sannadkii 1996kiina Maxamad Xudhuun waxa uu naf iyo muruqba u huray sugidda qarannimada Somali Land, wuxuuna ku guuleystay dhisidda ciidan adag oo ayna cidi ka taakuleyn oo uu ugu talo galay inuu noqdo mid hadh iyo habeen u taagan difaaca dalkiisa Somali Land. Maadama ay duruufo dhaqaale oo adagi iska jireen oo ayna ciidanka Somali Land heli jirin wax wayn oo ku dhiiri geliya difaaca dalkooda haddana Maxamad Xudhuun waxa la sheegaa inuu ciidankiisa caqiido iyo mabd` uga dhigi jiray qiimaha waddanka iyo qarannimada Somali Land, wuxuuna ka dhaadhicin jiray qiimaha ay leedahay in daacadnimo loogu hawlgalo waddanka.
Waxyaabaha been abuurka ah ee aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa qoraallo aan websiteyada qaarkood ka akhriyay oo sheegayay in Gen. Maxamad Xudhuun maalintii loo magcaabay taliyenimada ciidamada xeebaha Galbeedka Somali Land uu ku khudbeeyey ereyo cadaawad xanbaarsan oo ay ka mid ahaayeen ( halkani haddeed waa nin aan ku tumo, nin aan ugu taliyo iyo nin isaga tega), waxaase dhab ah inuusan Maxamad Xudhuun haba yaraatee wax khudbad ah jeedin wakhtigii la magcaabay balse uu waajibaadkiisa si degdeg ah u qabsaday, teeda kale suurto gal maaha inuu qof inuun caqli lihi waxaasi ku hadlo iska daa khabiir ciidameede.
Sidoo kale alle ha u naxariistee marxuum Maxamad Xaaaji Ibraahim Cigaal oo la wada garanayo indheergaradnimadiisii iyo heerkuu siyaasadda ka taagnaa ayayna marnaba macquul ahayn in masuul waxaasi ku hadlayaayi u dhuunto.
Sidaan horeba u soo sheegey Maxamad Xudhuun waxa uu ku guulaystay abuurista ciidan tayo iyo tiro leh oo cidkasta iska difaaci kara, haseyeeshee waxaa nasiib darro noqotay taliyaha ciidamada qaranka Somali Land ee uu xilkaasi u magcaabay madaxwaynihii hore ee Somali Land Daahir Rayaale Kaahin oo magaciisa la yidhaahdo Nuux Ismaaciil Taani inuu cuna qabatayn dhinac walba leh saaray ciidanka xeebaha galbeedka Somali Land, fikir iyo dedaal badanna ku bixiyey sidii uu ciidankaasi u baab`in lahaa ama uu ugu yaraan u liciifin lahaa, wuxuuna si cad ugala dagaallamay sahayda iyo saadka si ay ciidanku u niyad jabaan isagana baxaan adeegga ciidannimo.
dhacdadan u danbeysay ee habka beeleysan loo fasiray waxaa loo aaanayn karaa arrimahan:
1. Ciidamada galbeedka oo magac ahaan uun loogu magcaabo kuwa badda balse aan qalabkii badda lagu ilaalinayay haysan, raadaar waa wax wayne ma haystaan diirad kaliya oo meel fog wax lagaga arko.
2. Ciidamada galbeedka oo tan iyo sannadkii 2009 ku kala baahsan jiidda hore ee Laascaanood, deegaan colaadeeedka Ceel Bardaale, iyo degmada Borama.
3. Ciidanka galbeedka oo uu ku socdo degaal dhinaca saadka, sahayda iyo qalabka ah.
4. Dhacdadan u danbeysey oo ku soo beegantay xilli ciid ah oo ay hadhaagii ciidamada galbeedku sida kuwa kale ugu howlanaayeen farxadda ciidda.
5. Shirqool ciidameed oo uu u maleegay taliyaha ciidamada qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo sii ogaa jabahaddan soo foolle balse rabay inuu ka dhigo sallaan uu sii mari karo casilaadda Maxamad Cismaan Ibraahim (Xudhuun), waxaana taasi ka markhaati ah warbixin ay qortey shabakadda wararka ee Awdal press oo xustay ciidamada Ethiopia iyo cutubyo ka tirsan kuwa Somali Land oo todbaad ka hor dhacdadan ka arrinsanayay ka hortegista malleeshiyo ka soo degi doonta Somali Land una soo gudbi doonta Ethiopia.
Si kastaba ha ahatee wajiga labaad ee maqaalkan oo aan maalin kadib soo diri doono ayaa waxaan kaga hadli dooonaa qodobbo kala ah:
-Waxqabadka Gen. Maxamad Xudhuun oo kooban.
-Tixgelinta iyo shacbiyadda uu ku leeyahay Xudhuun dulhaanba Somali Land gaarahaanna gobollada galbeedka.
- khatarta iyo masiibada ay keeni karto in lagu fikiro in xilka laga qaado Maxamad Xudhuun ama si xaq darro ah loogu nisbeeyo wuxuuna galabsan, iyo haddii ay arrintaasi dhacdaba sida ay u soo dedejin karto burbur ku yimaad jamhuuriyadda Somali Land oo meesha ka saara goooni isku taagii , midnimadii iyo nabaddii aynu muddada badan ku soo caano maalnay.
- Iyo ugu danbayn talo ku saabsan sida ugu habboon ee loola tacaali karo dhacdadan.
Qalinkii :- Maxamed Cali Muuse
mcali73@hotmail.com
Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Arragtida Lughaya news


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Faallo :Qarannimada S.Land iyo Dhacdadii U Danbaysey Ee Xeebaha Galbeed (1-2) "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback