Borama-(Lug)-Shacbiga iyo dawladda Somaliland ayaa sannado badan kusoo noolaa dawlado ka dhalatay dib u heshiisiin ka kala dhacday Burco iyo Boorama sannadihii sagaashameeyadii,nidaamkaasoo ama dib u heshiisiintaasoo lagu soo gaadhay dawlado ka dhashay doorashooyin dimuqraadiyad ah oo ay dadweynaha dalku codkooda ku doorteen madaxweyne qaran oo u yeesho dal aan la aqoonsanayn. .
Doorashadii ugu horreysay ee madaxweyne iyo golayaal degaan lagu soo doortay ayaa dhacay sannadihii 2001 iyo 2003dii, si kastab ha ku dhacaane waxay ahayd tijaabadii ugu horreysay ee lagaga gudbay wax laga filayey dal iyo dad shalay uun kasoo baxay nidaam jabhadeed ilaahayna wax dhibaato ah kama soo gaadhsiin Somaliland 8 sano ku dhawaad u xukunka hayey xisbi keliya .
Haddaba markii uu dhammaday xilligii loo qabtay inay dalka ka dhacaan doorashooyin lagu beddeli karo xukuumaddii UDUB ayaa aakhirataankii sannadkan badhtamihiisii loo dareeray doorashooyin uu cod aqlabiyad leh kusoo baxay xisbiga Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee doorashadaasina waxay ku dhacday si nabadgelyo ah, waxana isla bishii Juulay 27dii Axmed siilaanyo loo dhaariyey kursiga madaxweynenimada , halka kuxigeenkiisana loo doortay Eng.Saylici. maxaa ka dambeeyey doorashadaasi iyo dawladdii ka dambaysay ee xisbiga Kulmiye soo dhisay? cid kasta oo maanta Somaliland u dhalatay gudo iyo debedba way kju farxeen isbeddelka siyaasadeed ee ay la timid doorashadii, hase yeeshee farxaddaasi ayaad moodda inay sii gudhayso wakhtiga haatan lagu jiro ama laba bilood kaddib markii ay xukunka qabsatay dawladda xisbiga Kulmiye .
Waxa markiiba dawladda la dhisay ka qayliyey qaybo ka mid ah shacbiweynaha Somaliland oo ay ugu horreeyaan reer Awdal, halka malaha kuwa kale oo kasoo jeeda gobolada kalena ay qarsanayeen dareenkooda ku wajahan dawladda cusub .
Waxa kale oo markiiba bilowday mucaaradnimada xisbigii doorashada lagaga adkaaday ee UDUB hogankiisiia, taageerayaashsii, iyadoo dhinaca kalena ragii ka tirsanaa xisbulxaakimkii hore, loona haystay inay dalka baabiiyeen cidi xusuusan weydo dembiyadii ay ka galeen dalka .
Waxa iyaguna durba madaxa lasoo kacay mucaarad kasoo ifbaxay taageerayaashii iyo masuulyiintii xisbiga Kulmiye ee markii xisbgoodu guuleystay daaqadda laga tuuray .
Waxa kale oo jaahwareerkaasi taagan soo hoosgalay in kooxo cadow ku ah dawladnimada Somaliland iyo dalalka deriska ahiba Somaliland ka dhigteen biriish loogu tallaabo dalalka deriska ah si loo wiiqo nabadgelyadooda, waxa jira gobollo iyo degmooyin ay weli kasii taliyaan masuuliyiintii dawladdii hore, daweladdan cusubna u arka cadow u baahan in la iska waabiyo intayna xididaysan , waxa jira beelo aamusan iyo kuwa qaylinaya oo diidddan qaabka loo dhisay dawladda Somaliland, kuwaasoo inta badan dawladda cusub ugu marmarsiiyooda inay tahay dawlad miisaankeedu dhinac keliya u badan yahay .
Taa marka laga tego waxa dhacay sicir barar ku dhacay maciishadii, taabatayna qoys kasta oo danyar ah, waxase waxaasoo dhan kasii daran sida weli aanay dawladdu uga leexan jidkii ay ku socotay markii ay xilka la wareegtay, isla markaana aanay u dhegeysanayn codadka kala duwan ee kasoo burqanaya muusigga ay ciyaarayso , dhegenaa anay u lahayn waxa ka iman kara cadhada isbiirbiirsatay ee daafaha Somaliland ku fidday .
Marka loo dhabbo galo arrimaha murugsan ee dhan loo qaado la laayahay ayaa waxa ugu horeeya magacyo iyo xilal aanay reer Somaliland hore u aqoonin oo isteerinka u haya dawladda cusub, kuwaasoo inkastoo ay muwaadiniin xaq u leh yihiin, dawladdu awoodi weyday ama haleeli weyday inay shakhsiyaadkaasi shacbiga ka dhaadhiciso waajibaadka qaran ee ay hayaan, waxana weli socda dabayl xilalka loogu dhiibayo masuuliyiin iyo kuwa kale oo laga qaadayo, taasoo lafteeda aan la isweydiin waa ayo cida xilka laga qaadayaayi, yaase loo dhiibayaa, rag badan oo istaahilay inay xillka dalka wax ka qabtaanna haatan kasii quusanayaan xukuumadda Axmed Siilaanyo .
Soomaalida ayaa tidhaa nin meeli u caddahay meeli u madow, taasoo loo qaadan karo sida dawladda Somaliland ee cusubi u doonayso inay jidka ay hayso kusii socoto iyo ida ay uga dhego laadahay waayaha siyaasadeed iyo kuwa beeleed ee laga yaabo inay aakhirataanka iska hor iman doonaan, waa haddii sida xaalka maantu yahay lagusii daro waxyaalo kale, balse aan waxba laga beddelin.
Si kastaba ha ahaatee labada jid ee ay kala hayaan qaybo ka mid ah shacbiga iyo siyaasiyiinta reer Somaliland iyo jidka ay socoto xukuumadda Axmed Siilaanyo waa kaaf iyo kala dheeri, waxana laga yaabaa inay labadaa jid ee reer Somaliland maanta kala socdaan iskusoo dhici waayaan, aakhirataanka la iska hor yimaaddo, sidaa darteedna loo baahan yahay in ay xukuumadda Axmed Siilaanyo wax ka bedesho siyaasadaha gudaha, nidaamka dawladnimo iyo kan xisbinnimo ee ay ku socoto.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ilaa Intee Ayey Xukuumadda Cusub Ee Somaliland Sii Socon Kartaa Hadday Waxba Ka Beddeli Weydo Jihada Ay U Socoto? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback