pict0059.JPGBorama-(Lug)-Masuuliyiinta isbitaalka Fiistula ee Boorama ayaa shalay isbitaalkaasi kusoo  dhaweeyey  labaataneeyo xubood  oo haween iyo gabdhaba leh ,
 kana kala yimid ku dhawaad afar gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya si ay isbitaalkaasi uga helaan adeegyo isugu jira daaweyn iyo qalliin dhinaca caafimaadkooda la xidhiidha.

pict0059.JPG

Dadka bukaan socodka ah oo shalay galab soo gaadhay Boorama ayaa kasoo kicitimay gobolada J/hoose ama Kismaayo, Gobolada dhexe, mudug iyo  maamul goboleedka Puntland .

Dr.Siciid Axmed Walhad  iyo Dr.Ibraahim Siciid Qaws oo dadkan kasoo dejiyey bas ay kasoo raaceen caasimadda Hargeysa  kaddib markii  ay   ku dhawaad  afar maalmood soo dhex jibaaxeen    boqollaal kiiloomitir  oo degaano kala duwan, wadamo kala duwan, ciidammo kala duwan, beelo kala duwan  iyo maamulo kala duwan ka taliyaan , aakirataankiina  diyaarad kusoo gaadhay Somaliland.

pict0060.JPG

Masuuliyiinta isbitaalka Fiistula  ayaa bukaankaasi ku guubaabiyey in wakhtiga ay joogaan isbitaalkaasi loo qaban doono  wixii adeegyo ah ee ay u baahan yihiin, sidaa darteeda muddada ay joogaan loogu adeegi doono sida loogu adeego walaalahooda Somaliland, isla markaa aanay dareemin inay yimaaddeen dal  shiseeye ah.

Bukaanka ayaa sidoo kale  masuuliyiinta isbitaalkaasi uga warramay dhibaatada iyo jidka dheer ee ay usoo mareen isbitaalka, sidaa darteedna  aanay waxba ka hagran baahidodooda caafimaad  .

Isbitaalka Fistula ahna isbitaalka labaad ee ka hawlgala geeska Afrika ayaa inta badan adeegyo isugu jira qalliin iyo daaweyn u fidiya haweenka iyo gabdhaha ay dibaatooyinka caafimaad kala soo dersaan xubnaha taranka iyo kaadi haysta, waana isbitaal gaar ah oo hirgelitiisa gacan ka geysteen qurbajoogga reer Awdal, qaar ka mid hay’adaha  samafalka caalamiga ah iyo xukuumadda  Somaliland, wuxuuna qayb ka yahay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Cammuud.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama