aragti (lug)- Sidii aan hore ugu ballanqaaday waxaan jeclahay inaan faaalladaydan ku bilaabo aqoonta ciidannimo iyo waxqabadka taariikhda gelay ee Gen. Maxamad Cismaan Ibraahim Xudhuun.Maxamad Xudhuun waxa uu hore uga tirsanaan jiray xooggii dalkii Somalia, wuxuuna ka mid ahaa saraaakiishii aadka loogu jeclaa aqoon, khibrad iyo ciidannimo ahaanba wuxuuna ka soo shaqeeyey gobollo kala duwan oo u badan koonfurta Somalia.
Alle ha u naxariistee sannadkii 1996kii Madaxwaynihii labaad ee Somli Land Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ku xigeenkiisii xilligaa Cabdi Raxmaan Aw Cali oo labaduba hore u yaqaannay kartida ciidannimo ee Maxamad Xudhuun ayaa u magcaabay taliyaha ciidamada qaranka ee Xeebaha galbeed kadib markii ay u arkeen taliyaha ugu khibrad iyo aqoon badan dulahaanba saraakiisha deegaannada galbeed , tan iyo wakhtigaana waxa uu Xudhuun muujiyay karti iyo daacadnimo.
Haddaba waxaan jeclahay in kasta oo aan la soo koobi Karin inaan halkan ku taxo qodobo ka mid ah waxqabadka Maxamad Xudhuun iyo kaalinta muuqata ee uu ka qaatay sugidda iyo xoojinta qarannimada Somali Land:
1. Xudhuun waxa uu kaalin wayn ka qaatay kuna guulaystay inuu soo afjaro dagaalladii iyo qalalaasihii bariga Somali Land ka dhacay sannadkii 1995kii ee lagaga soo horjeeday Somli Land, madaxwayne Cigaal oo aqoon wayn u lahaa Xudhuun ayaa u igmaday inuu gacan siiyo mujaahid Maxamad Kaahin oo watay ciidan la dagaallamayay dadyowgii ku kacsanaa dawladda, haddaba Maxamad Xudhuun oo rabshadahaasi si habsi ah usoo afjaray ayaa dagaalkaasi ku dhaawacmay.
2. Maxamed Xudhuun waxuu ka qayb qaatay sifaynta jabhadihii reer Djibouti ee dalkeenna Somali Land gudihiisa ku sugnaa, isla markaasina waxa uu abuuray ciidan qaran oo ay Somaliland leedahay, waxuu sameeyey xeryihii ciidanka, Ciidan abaabulan oo aan cidina gacan ka siinin oo karti leh, cadow kasta oo soo weerarana iska difaaci kara ayuu sameeyey.
3. Waxa kale oo uu Maxamed Xudhuun ka masuul ahaa nabadgalyada dhamaan doorashooyinkii ka dhacay Gobolada Awdal iyo Sala ee galbeedka Somali Land.
4. Tahriibayaaasha sida sharci la`aanta ah u dhoofa oo ay dalal waawayn sida Yemen iyo Italy ku wareereen xakamayntooda ayuu Maxamad Xudhuun uga dhaaartay inay ka dhoofaan xeebaha galbeedka.
5. Waxa kale oo uu Maxamad Xudhuun garab istaagay oo uu siyaabo kala duwan ugu kaalmeeyey dadwaynaha deegaannada galbeedka Somali Land dhowr jeer oo kala duwan oo ay abaaro ba`ani ku dhufteen.
6. Maxamad Xudhuun waxa kale oo uu masuul ka ahaa nabadgalyada ugaaskii beesha Ciise ee Ethiopia laga keenay laguna caleemo saaray magaalada Zaylac, caleemo saarkaasina waxaa ka soo qayb galey madax iyo dadwayne kale oo ka kala socday Somali Land, Djibouti iyo Ethiopia.
7. Maxamad Xudhuun tan iyo xilligii loo igmaday masuuliyadda uu hayo lama sheegin haba yaraatee dhaliil iyo ceeb qaranka dhiniciisa uga soo hoyatay.
8. Ciidanka galbeedku waxa ay xasiliyeen rabshado kala duwan oo ay qaarkood dagaallo ahaayeen oo ka kala dhacay Laascaanood, Ceelbardaale iyo Borama.
9. Maxamad Xudhuun waxa uu ahaa ninkii maalintii ay qaar ka tirsan reer Borama ku dhawaaqeen inay Somali Land ka go`ayaan ee ay calanka Awdalland qaateen wuxuu ahaa ninkii fagaaraha khayriyadda Borama kala hadlay ee dadkii oo kacsan daqiiqad gudaheed ku dejiyey mudaharaadkiina hadal wanaagsan oo qabow ku soo afjaray, waa maalintii lagu dhawaaqay golaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.
Waxa kale oo jirta inuu ciidanka galbeedku taakuleyn iyo koolkoollin ka heli jiray taliyeyaashii ciidamada qaranka Somali Land soo maray oo dhan, ha u badnaado taliye Maxamad Shaqalle` e, haseyeeshee taliyaha ciidamada ee imika Nuux Taani ayaa isagu inuu ciidankasi taageero daaye kuba fikira inuu baab`iyo.
Waxa kale oo la wada ogyahay shacbiyadda ballaadhan iyo tixgelinta uu Xudhuun ku leeyahay dulahaanba Somali Land gaarahaanna gobollada galbeedka, waxaana taa ka markhaati ah siday salaadiinta Awdal iyo Selel uga hadleen dhacdadan iyo siday isku garab taageen Gen. Xudhuun.
Sidoo kale khatar culus ayaa ka iman karta haddii la isku dayo in xilka laga qaado Xudhuun, sobobtoo ah waxa la tuhunsanyahay inay jiraan baryahan danbe xubno ka mid ah taageerayaashii madaxwaynihii hore Daahir Rayaale iyo Rayaale laftiisuba inay ku taamayaan dawlad Awdal Land la yidhaadho inay sameeyaan oo ay ka goostaan Somali Land inteeda kale, haddii Xudhuun xilka laga qaadana waxaa dhici karta in dadwaynaha reer Awdal & Selel soo dhawayn waayaan arrintaasi dabadeedna ay u dhego -nuglaadaan cid kasta oo kula talisa inay Somali Land ka goostaan.
Markaa waxa ugu wanaagsan in arrintan loo baadho hab cadaalad ah oo waafaqsan maslaxadda qaranka Somali Land, danta qarankana wax kasta laga horreysiiyo.
Qalinkii :- Maxamed Cali Muuse
mcali73@hotmail.com
Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Arragtida Lughaya news




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Faallo :Qarannimada S.Land iyo Dhacdadii U Danbaysey Ee Xeebaha Galbeed (2-2) "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback