Borama-(Lug)-Xubin ka tirsan guddiga fulinta xisbiga UCID ee gobolada Awdal/Selel ayaa sheegay inuu u taagan yahay xilka gudoomiyeenimada xisbigaasi ee gobolada Awdal/Selel
kaddib markii u mansabkaasi ama xilkaasi banneeyey guddoomiyihii xisbigaasi ee gobolada Awdal iyo Selel.
Mahdi Aw Cali Aadan kana tirsan guddiga fulinta ee xisbigaasi ee gobolada Awdal/Selel kana mid ahaa siyaasiyiintii kasoo digorogatay xisbulxaakimkii hore ee UDUB, kuna biiray xisbigaasi ka hor wakhtigii ololaha doorashooyinki uu dambeeyey ayaa war uu Lughayanews siiyey ku yidhi “Anigoo ah Mahdi Aw Cali Aadan kana mid ah guddiga fulinta xisbiga UCID ee gobolada Awdal/Aelel, waxaan saaxiibadayda xisbigaasi, madaxdiisa iyo taageerayaashiisaba ku wargelinayaa inaan u taaganahay ama u sharraxanahay xilka guddoomiyenimada xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID ee gobolada Awdal iyo Selel, Go’aankan ayaan qaatay kaddib markii uu mansabkaasi banneeyey guddoomiyihii hore ee xisbigaasi u qaabilsanaa gobolada Awdal/Selel, Abuubakar Xuseen Miicaad, Go’aankan ayaan sidoo kale qaatay markii aan isku qanciyey, dad badan oo saaxiibaday ahna kala tashaday, isla markaana aan ogaaday inaan xilkaasi qaadi karo gudanna karo waajibaadka xisbiga wakhti kasta, sidaa darteedna waxaan asxaabtayda, taageerayaasha iyo cid kastoo daanaynaysa horumarka xisbigaasiba ka doonayaa inay igu taageraan, iguna garab galaan go’aankaasi “.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuul Ka Tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga Ucid Ee G/Awdal Iyo Selel Oo Sheegay Inuu U Taagan Yahay Guddoomiyenimada Xisbigaasi Ee G/Awdal/Selel "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback