dsc07772.JPGMadaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta  soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye.

Waxaanu Madaxweynuhu yidhi :-
 
Markaan Arkay:   Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka,
MarkaanTixgeliyey:   Ahmiyadda ay Madaxtooyaddu u leedahay Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
 Markaan  Ka Fiirsaday:  Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
 Markaan  ku qancay:  in ay  hanan karto xilkan loo magacaabay.
Waxaan  go’aansaday

In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

dsc07772.JPG

Allaa                            Mahad                                Leh
 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse ) 
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL