wariye-yuusuf-cabdi-cali-indho-qurux.jpgBorama-(Lug)-Gafafka  iyo tacadiga  kala duwan ee ay ka galayaan dhamaanba maamulka xukuumada cusub ee la soo kacday  waxgarad xumada ay cadaalada daradu ku dheehan tahay ee ay durba kasoo wada yeedhay dhamaan daafaha gobololada dalka  oo dhami ayaa keeni karta in qaybo ka mid ahi  ku dhawaaqaan gooni isu taag  ka madaxbanaan  xukuumadan dhawaan uun lasoo yagleelay  kadib markii ay dadwaynaha reer Somaliland ooda karogeen xukuumadii hore ee dalka hogaysay misana ay ku kacday waxyaabo dareeno cadho leh laga kala muujinayo guud ahaanba dalka oo dhan.

wariye-yuusuf-cabdi-cali-indho-qurux.jpg
 
Sida  lagula kaco  qaybo ka tirsan beelaha gabooye ee ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer  taasi oo laga qafaashay  maxkamada gobolkaasi  walkkhti ay goob joog ka ahaayeen ciidamada ilaalada amniga ee ee heer gobol isla mar ahaantaasina ay xukuumada waxbixin ku qancin kari waydo dhacdadaasi kuna guuldaraysatay  xataa ka hadalkeeda.
 
Dhanka  gobolada  Awdal iyo Salal  marka loo eego amaba laga hadlayo dhacdadii u danbaysay ee xeebaha  galbeed ee dalka Somaliland  waxaa ay ka mid ahayd oo ay wax kala qabtaa dhacdooyinkii ay ka fuliyeen qolooyinkii manaxariistayaasha ahaa oo ahaa qaraxyadii lala beegsay saddexda xarumood ee dalka muhiimka u ahayd  sida xarunta  haayada caalamiga ah ee UNDP, maxadtoodaya qaranka oo  uu madaxwaynihii markaasi Daahir Rayaale Kaahin  uu ku sugnaa isaga iyo xubno  katirsan hawlwadeenadiisu deetana ay qaar ka mid ahi ku dhinteen qaraxaasi iyo   xafiiskii ganacsiaga  ee  wadanka Ethiopia ay ku lahayd dalka. 
 
Maahayn  kaliya in afka lagu waaxo amaba lagu soo celceshado  waxyaabo aan ka hadal lahayn sida dhacdada xeebaha galbeed iyada oo ay  dareenka laga qabaa ay tahay in aysan gaynin xogsax ah  marka loo eego warbixin uu sii yayay wasiirka arimaha gudaha Somaliland uu laanta afka soomaliga ee bbcda  iyo warbixinta xiligaa taalay agagaarka dhacdadaasi  amaba deegaanada ay ku sugnaayeen raxan loo malaynayay inay ka tirsanaayeen  jabhada  ONLF oo kadagaalanta gudaha wadanka Ethiopia  sheegeena  inay ku hareeraysan yihiin  wakhtigaasi.
 
Hadana aysan ku guulaysan inay qabtaan amaba  hakiyaan  ciidamada  qaranka oo isu wada dhafan weheliyaana ciidamada  mitidka ah  ee dalka Ethiopia  misana  la garab maray iyaga oo u wada jeeda xaalada  arrinkaasi maaha mid laga gaabsan karayo  maba loo aanayn kari cidgaara  mar hadii ay kuwada sugnaayeen  ciidamada  dalka oo dhami  xataa wasiirka gaashaan dhiga  qaranka oo  aan khibrad u lahayn  waayo  aragnimana ka haysan xaaladaha  galbeedka dalka, waxaase ka qurux  sanayd  in loo xilsaaro wasiirka  cadaalada  Prof.  Ismaaciil Aar , wasiirka wasaarada  beeraha Prof. Farax Geedoole  iyo waliba wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cali X. Xamud Jibriil oo ah isagu ninika kaliya ee udhashay dhab ahaan gobolada Awdal iyo Salal ee wafdiga wehelinayay.
 
Waxaase nasiibdaro noqotay in loo soo xilsaaro cidgaar ah oo waliba dano gaar ah loosoo igmaday sida wasiirka gaashaan dhiga  oo deegaanadii uu ka soo jeeday ay ka samaysmeen jabhado lidi ku ah dowlada Somaliland kuwaasi oo ku dhawaaqay inay gaar u goosanayaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, inta loo soo dirayo gobolada galbeedka Somaliland wax ka haboonayd inuu wasiirka loo diro goboladaasi uu ka soo jeedo si uu uga hortago jabhadahaasi ka soo horjeeda xukuumada uu wasiirka ka yahay.
 
Dhan kale  maaha nin aan lagu aamina karin ilaalada xeebaha  galbeed Taliye Gen.Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) ee waa nin lagu nasto waxyaabo kala duwana u qabtay dalka iyo dadkaba  waxaanu ku guulaysatay hawgalo  kala duwan  oo uu ka qabtay daafaha gobolada dalka oo dhan sida  colaadihii qabiiliga ahaa ee bariga dalka oo uu ku guulaysatay inuu soo afjaro,  sifayta jabhadihii reer Djibouti ee soo galay qaybo ka mid ah dalka sida buuraha Maar Maar, waxaa kale oo   gudoomiye ka ahaa gudida ilaalada nabad galyada gobolada Awdal iyo Salal wakhtigii doorashada, xakaymaynta  tahriibayaasha oo ay utaag waayeen dawladaha waawayni  oo ay ka giigeen dhamaanba xeebaha galbeed ee dalka Somaliland, Waxaa kale oo  gudoonkeeda lahaa xaalada aminga ee caleemo saarka ugaaska Beesha ciise oo lagu caleemo saarayay xarunta magaalada Saylac.
 
Hadaba   Gen. Maxamad Cismaan Ibraahim (Xudhuun) oo ay dadwaynaha reer Awdal iyo Salalba  ay aad uga jecel yihiin xataa nafahooda  ayaa ah mid  meesha maqnayd  waxa ka iman kara iyo cida  ay maamuli doonaan xukuumadani  cusubi  wakhtigii ay ka arrinsanayeen ama ku fikirayeen inay badalaan Gen.Maxamed Xudhuun, kuna noqon karta cawaaqib xumo dalka soo food saarta.

Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqurux”
Lughayanews-Borama