Wasiirka duulistu wuxu la mid yahay Marxuum Muuse Rabiile Good oo loo xilsaari jiray wasaaradaha ugu baaba’sanaa dawladdii Soomaaliya si uu dib ugu dhiso” Sh.C/laahi sh.Cali..
Borama-(Lug)-Hawl isugu jirta dibudhis iyo dibu habayn isugu jira ayaa maanta laga bilaabay madaarkaasi toban sano ku dhawaad kaddib madaarkaasi ahaa mid dayacan.
Xaflad saaka lagu qabtay madaarka Boorama ayna kasoo qayb galeen Badhasaabka Gobolka, maayarka magaalada, Salaadiin, Culimaaduddiin, maamul Jaamacadda Camuud, masuulyiin iyo martishar kale ayaa hadal warbixin ah oo uu hakaasi ka jeediyey Maamulaha Madaarka Boorama Xasan Daahir Muxumed (Xasan Biif), waxa uu kaga hadlay dayaca haystay madaarkaasi muddo ka badan toban sanadood, isla markaana rakaabkii ka dhoofi lahaa safar dheer ku tegaan madaarada gobolada kale ee dalka. Xasan Daahir waa uu amaan u jeediyey wasiirka cusub ee duulista oo xoogga saaray sidii uu madaarkan uga saari lahaa dayac, degdegna ugusoo biiri lahaa madaarada dalka ee shaqeeya .
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay nasiib wanaag in madaarkaasi shaqeeyo inta u badhsaabnimada gobolka hayo, isagoo dhinaca kalena dadwynaha iyo dawladda cusub ee Somalilandba usoo jeediyey inay xoogga saaraan madaarka Boorama sidii uu dib ugu shaqayn lahaa.
Maayarka Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa qurba joogga reer Awdal usoo jeediyey inay ka qayb qaataan horumarka dalka sida qurbajoogga gobolada kale ee dalku u dhistaan dalkooda hooyo, isagoo tusaale u soo qaatay magaalada Burco .
Saladaadiintii saaka halkaasi ka hadahay oo kala ahaa suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan C/raxmaan Dhawal Iyo Suldaan Xasan Xaddi Baade ayaa dhammaantood ka hadlay sida ay dawladda Somaliland ee cusubi ugu soo jeesatay wax ka qabashada jidadka gobolka iyo madaarka Boorama , iyagoo dhinaca kale qurbajoogga reer Awdal usoo jeediyey inaysan dalkooda ka shaqo tegin, balse ay u shaqo tegaan, dibna wax ugusoo celiyaan sida ay yeelaan qurbajoogga soomaaliyeed ee kale meel kastoo ay joogaanba.
Sheekhul beledka G/Awdal Sh.C/Laahi Sh.Cali oo isna halkaasi khudbad gunaanad ah ka jeediyey ayaa ku dheeraaday hawlkarnimada wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi, kuna tilmaamay inuu yahay nin la mid ah wasiirkii reer Awdal keligii ku lahaayeen xukuumaddii Soomaaliyeed, Marxuum Muuse Rabiile, marxuum kaasoo uu ku sifeeyey inuu ahaa wasiirkii Maxamed Siyaad u magacaabi wasaaradda ugu baaba’san ee ka mid ah wasaaradihii soomaaliya, isla markaana Muuse Rabiile uu hagaajin iyo dibudhis ku samayn jiray, sidaa darteedna uu u rajaynayo in wasiirka duulistu wax badan kusoo kordhin doono reer Awdal, gaar ahaana dhinaca madaarka iyo jidadka.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale laga xusay dhisme masaajid uu dhismaha garoonka ugu deeqay mulkiilaha shirkadda jaadka ee loo yaqaan B1.
Waxa kale oo ka socda madaarkaasi meesha dayuuraduhu ka duulaan ama ka fadhiistaan ay qariyeen geedo iyo caws ka hawl gashay cagaf goobtaasi la keenay.
Madaarka Boorama oo ahaa madaarkii ugu horreeyey ee laga aasaaso Somaliland ayaa waxa soo maray duruufo kala duwan oo aakhirataankii ka dhigay madaarada ugu liita dalka ee dayuuraduhu ka caageen inay soo fadhiistaan, talada maanta dib loogu hawlgelinayo madaarkaasina soo jiidan doonto muwaadiniin u dhalatay gobolka ee kasoo degi jiray madaarada kale ee dalka .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim (Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaarka Boorama Oo Laga Bilaabay Hawl Dib Udhis Ah Ka Dib Booqashadii Wasiirka Duulistu Ku Tegey Madaarkaasi + Video "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback