new-image.JPGBoorama-(Lug)-Xubno ka tirsan qoysaskii iyo eheladii  ay ka baxeen marxuumiintii lagu laayey jidka isku xidha Boorama  iyo Kalabaydh  21/7/2009, ayaa farriin adag u diray xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo isla markaana ku boorriyey  in si degdeg ah loo soo qabto dembiilayaashii geystay falkaasi sharcigana la horkeeno .

new-image.JPG

Bayaan ay Boorama kasoo saareen  ehelada qaar ka mid ah afartii marxuum  ee ku dhintay falkaasi , nuqul ka mid ahina sooa gaadhay Lughayanews ayaa u qoraa sidan:-

1.JPG

“Annagoo ka mid ah  qoysaskii iyo qaraabadii  ay ka baxeen marxuumiintii  lagu laayey jidka isku xidha Booranma iyo kala baydh   muddo haatan laga joogo sannad iyo badh, waxaan aad uga xunnahay sida aan weli dawladihiii kala dambeeyery ee Somaliland, hadday tahay tii  hore iyo hadday tahay tan cusubba aanay weli wax tallaabo ah uga qaadin arrintaasi isla markaana  lasoo qaban  ciddii falkaa geysatay oo aan ognahay inay xor  ah is xor ah iskaga   dhex muishaaxayaan degmooyinka Gebilay   iyo Hargeysa .

Waxa wax lala yaabo ah wararka lagu baahinayo saxaafadda  qaarkood sheegeyaan in abbaanduulihii kooxada dembiga gashay, laguna magacaabo Cawar Xareed uu madaxtooyada horteeda iska taltallabsanayo isla markaana  wasiirkii hore ee gudfaha C/laahi Cirro oo ahaa  masuulkii wax ka qaban lahaa waagii uu xilka hayey u maanta leeyahay aniguuba isoo doontay ninkaasi  miyaanay ahayn wax laga xishoodo . C/raxmaan cirro dembiilayaasha miyuu u tudhaayey mise wuu u taagwaayey wakhtigii uu xilka amniga hayey?

Sidaa darteed hadii aan nahay qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen marxuumiintaasi in badanna aan samir iyo dulqaad muujinnay ayaa la gaadhay wakhtigii  aan tallaabo  ku habboon falkaasi aan qaadi lahayn  hadii aanay xukuumaddu si degdeg ah tallaabo u qaadin, Annagoo tixraacaynna dastuurka Somaliland qodobkiisa 24aad iyo faqradihiisa 1aad ,2aad ,iyo 3aad , Nagumana filla  hadalka kasoo yeedhay taliyaha Booliska dalku ku yidhi amarbaan ku bixiyey in lasoo qabto Cawar Xareed, waxase na qancin karta waa kuwan dembiilayaashii .”

Bayaankan ayaa ku saxeexan  :-Yuusuf Cilmi Cumar
Siciid daa’uud Cumar
Axmed Maal cilmi
Hooyo madiino Cumar guuleed
Axmed cumar guuleed
Axmed Cali bagaashle