boorama.jpgBorama-(Lug)-Gudaha magaalada Borama ayaa waxa daadsan ciidamo tiro badan oo si xoogan u hubaysan cududa ciidamadan aaya aku xidhiidhsan yihiin jidadka waawayn ee badhtamaha magaalada, gaar ahaan wada sisibta iyo bariga magaalada, ma jiraan wax masuuliyiin ah oo ka hadashay ujeedada ciidamadan balse waxa jira warar sheegaya in amaanka aad loogu adkeeyey iyada oo ay xukuumadu ka cabsi qabto inay gudaha magaalada Borama ay maanta ka dhacaan mudaharaado lagaga soo horjeedo xil ka qaadis macno daro ah oo la sheegay in xukuumadu ugu safatay nuux taani oo ay is hayeen Gen.Xudhuun taasi oo ay xilka qaaday Gen.Xudhuun.

Dhinaca kale xiisada kacsan ayaa waxay ku soo beegan wakhti ay magaalada Borama ay guuro ku soo galeen wafti culus oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil kale kuwaasi oo aan ilaa hada ujeedada safarkoodan la cadaynin, waftigan oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Wasiir Gaboose.

Arrinta ayaa waxa sii cakiraya dareenka dadka oo aad u kacsan isla markaana ay muuqato inuu lumayo kalsoonidii ay dad badani ku qabeen xukuumadan cusub iyada oo aanay hore dadka reer Awdal iyo Salal ka tirsanayeen cadaalad daro baahsan oo aanay xukuumadu ilaa wakhti xaadirkan ka garaabin, waxana suurto gal in ciidamada la soo dhoobey magaalada iyo dadwaynaha cabudhsani ay ku dhici karaan.

Waxii warar ka soo kordha kala soco Shabakada wararke ee Lughayanews.

Lughayanews Borama