Boorame-(Lug)- Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen Hutelka Rays ee Magaalada Boorame wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Awdal, oo lagaga hadlayay arrimaha Nabadgelyada ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan. Ka dib markii labada dhinacba ay ku adkaysteen labadooda mowqif.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Gaboose, oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay inuu u yimid magaalada Boorame sidii uu u dhagaysan lahaa tabashooyinka bulshada gobolka Awdal si uu u gaadhsiiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kormeerkiisa gobolada dhawaan ka bilaabi doono gobolka Awdal, waxaanu dadweynaha gobolka ka dalbaday inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in la bedelay Taliyihii Ciidanka Qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal, waxaanu yidhi “Waxaan la yaaban nahay haddii aad tihiin dadweynaha gobolka Awdal waxaad si sharaf leh u wareejiseen kursigii ugu mudnaa qaranka ee madaxweynaha, inaad kursigan yar aad cabashadiina ku soo dartaan, waxaan idiin sheegayaa in xukuumadu dhagaysanayo tabashadiina waxaana la idinka dalbanayaa inaad nabad gelyada adkaysaan, ma jiro nacayb loo hayo dadweynaha gobolka Awdal.”
Dr. Gaboose wuxuu si qoto dheer uga waramay marxaladihii dib u heshiisiintii iyo nabadeyntii beelaha Somaliland soo martay, waxaanu si weyn u ammaanay doorkii ay shacbiga reer Awdal ku lahaayeen, waxaanu si tusaale u soo qaatay marti gelintii ay u sameeyeen shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Boorame.
Sidoo kale, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in aanay dadweynaha gobolka Awdal ku socon xaq darro hase yeeshee ay wax tabanayaan. Waxaanu sheegay inay ka xun yihiin oo aanay aqbali doonin in gef lagu bedelo Taliyihii ciidanka qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal Maxamed Xudhuun.
“Mudaharaad iyo rabshad waxba kuma doonayno waxaanu dawlada u soo jeedinaynaa inaanay cadaadiska ka dayso gobolka Awdal oo aanay xuquuqda muwaadiniinta ku tuman, waxa jira in aanu saluugsan nahay saamiga reer Awdal iyo Salal laga siiyay dawlada cusub,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal, oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ee cusubi ay shacbiga gobolka Awdal ku cadaadinayso wax uu ugu yeedhay Maleeshiyadii sida Tuugada ah looga soo dejiyay xeebta galbeedka Somaliland, waxaanu yidhi “Anagu markii horeba waxaanu qabnay tabasho waxaanu doonaynay inaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkaba kala hadalno, hase yeeshee waxaad moodaa Tuugadii ka soo degtay xeebta galbeed iyo tabashadayadii ay dawladu is dhex gelinayso waana wax aan is qabanayn.”
Suldaan Dhawal wuxuu cambaareeyay talaabada lagu bedelay Taliye Xudhuun oo uu ku ammaanay inuu ahaa sarkaal daacad ah oo xilkiisa ka soo dhalaalay.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay oday Ibraahim Magan Nuur iyo xubno kale waxaanay dhamaantood naqdiyeen bedelka sarkaalkaasi oo ay sheegeen inaanay yeelaynin. Waxaanay Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyeen inuu xukuumadiisa saami u qalma ka siiyo shacbiga gobolada Awdal iyo Salal.
Wasiirka waxa shirkan ku wehelinayay Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil.
Dhinaca ammaanka Magaalada Boorame ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga hawl galiyay ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan ciidanka Milatariga Somaliland.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Cumarmfaarax@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirkii Waftigii Uu Hogaaminayay Wasiirka Arr.Gudaha S/land Iyo Salaadiinta G/Awdal Iyo Salal Oo Ku Dhamaaday Natiijo La’aan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback