
“Waxa Aan U Sheegayaa Saylac.com Inay Si Dag-dag Ah U Beeniyaan Warka Been Abuurka Ah Ee Ay Iga Qoreen…. Wariye Jirda-na Sharciga Ayaan Ku Kala Bixi Doonaa”… Siyaasi Axmed M. Seed.
“Waxa ay Saylac.com Baahisay Waa Cod…. Masuulkana Isagu Dib Ha U Dhagaysto….” Wariye Daahir A. Jirde..
Boorama-(Lug)-Xidhiidhiyaha gobolada Awdal/Salal ee xisbiga Ucid Mud. Axmed Muumin Seed ayaa si kulul uga dareen celiyay Maqaal Cod ah ay maalintii shalay baahisay shabakada Saylac.com. Masuulkan ayaaku tilmaamay maqaalkaasi cinwaanka loo sameeyay mid been abuur ah oo aanu odhan isla markanaana ka tarjumaya waa sida uu hadalka u dhigaye inay shabakada Saylac.com tahay meel u xadhko xidhatay beehinta wararka been abuurka ah ee umada reer Somaliland masiirkeeda wax u dhimaya.
Masuulkan oo u waramay shabakada Lughayanews ayaa waxa uu yidhi isaga oo sheegaya waxa uu ka dareen celinayo “ Waxa aan qabtay shir jaraa’id oo aan saxaafada siiyay, waxa shirkaygii jaraa’id ka beensheegtay shabakada Saylac.com waxa ay cinwaan uga dhigeen hadal aanan odhan oo ay tarjumaadooda gaarka ah ee danaha leh u fasirteen, waxana aan cadaynayaa in hadalkaasi uu yahay mid meelka dhac iyo gaf ku ah masiirkayga siyaasadeed iyo damqashada aan u hayo umadayda reer Somaliland, waa wax aan la qadaan karin in lagaa been abuuro hadalkayga, waana arin karaamadayda iyo sharaftayda wax u dhimaysa, kalamada ay cinwaanka warka codkayga ah siiyeena ma aha kalmadii maanta afkayga ka soo bixi lahayd aniga oo leh mustaqbal siyaasadeed oo cad”
Mud. Axmed Muumin Seed waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “ Waxa aan u sheegayaa masuuliyiinta Saylac.com in ay raaligalin dagdag ah ka bixiyaan, isla markaasina cadeeyaan oo ay beeniyaan in ay arintani tahay been abuur cad oo xagooda ka socda. Mud. Axmed Muumin ayaa isaga oo sii faahfaahinaya waa sida oo u yidhiya cawaaqibka ay arintani yeelan doonto hadii ay Saylac.com ka dhaga adaygto fariintiisa waxa uu yidhi “ Inanka aniga warka iga qaaday oo ah Wariye Jirde kolay waxa an ku kala bixi doonaa hayadaha sharciga.
Mar ay shabakada Lughayanews Mud. Axmed Muumin wax ka waydiisay in ilaa imika uu la xidhiidhay wakiilka Saylac.com ee gobolka Awdal Wariye Daahir Axmed Jirde waxa auu yidhi “ Haa Haa saaka subaxnimadiiba waan la xidhiidhay balse wax garawsho ah kama bixin arinta waxana ay ku dhamaatay wada hadalkayagaasi waxba la’aan waana taas arinta sababtay in aan u tabaabushaysto sidii aan dacwadayda u gaynsan lahaa hayadaha sharciga hadii ay masuuliyiinta sare ee Saylac.com tixgalinwaayaan dalabkayaga ah beeninta iyo raaligalinta wada socda.
Siyaasigan isaga oo wali sii hadlaya ayaa waxa uu intaasi raaciyay “ Waa markii labaad ee ay Saylac.com iga qorto warar been abuur ah, umana dulqaadan karo in lamajara habaabiyo damacayga siyaasadeed. Somaliland waa dal muqadas ay tahay qaranimadiisu umada ku nool gudaha dalkuna waxa ay hore ugu heshiisay inay wada ilaashato qaranimada iyo nabadgalyada dalku haysto… aniga siyaasi ahaan xaq waxa an u leeyahay oo aan shirkaygaasi jaraa’id kaga hadlay xiisada dalka ka taagnayd maalmihii ina dhaafay… waxase jira dad dano gaar ah leh oo fushanaya ujeedooyin qarsoon oo aanan micnahooda la fahmi karin oo aan isleeyahay waa iyaga kuwa tarjumaada gafka ah ila beegsanaya umana dulqaadan karo, waxana aan saacadaha soo socda jawaab ka sugayaa masuuliyiinta sare ee shabakada Saylac.com
Dhianaca kale mar ay shabakada wararka ee Lughayanews la xidhiidhay Wariye Daahir Axmed Jirde ayaa isla markaana ay wax ka waydiisay eedayntan loo soo jeedinayo ayaa waxa uu ku gaabsaday in uu baahiyay warbixin cod ah oo aan la badali karin isla markaana uu dib ugu tilmaamayo Masuulkan inuu dib u dhagaysto”.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Siyaasi Axmed M. Seed Oo Saylac.com Ku Eedeeyay Inay Ka Qoratay Warar Been Abuur Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback