Wasiirada wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland Marwo Ilhaan maxamed jaamac, ayaa maanta dhagax-dhigtey laba dhisme oo lagu tallo galey in lagu daryeelo derbi-jiifka ku darxumeysan Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo lagu dhagaxdhigaayey dhismayaashani ayaa saaka lagu qabtey goobta uuku yaala dayrka weyn ee looogu talla galey inlagu daryeelo darbijiifka Somaliland Ee Degmada Mooge kaasi oo ay gacanta ku heyso hayada wadaniga ah ee ODHA.
Munaasibadii dhagaxdhiga ah oo ay kaqayb galeen Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada somalialnd Marwo ilhaan maxamed jaamac, masuuliyiinta sirkadaha dahabshiil iyo telesom oo maalgelinaaya dhismyaashani iyo masuuliyiinta sarsare ee hayada ODHA.
Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland marwo Ilahaan Maxamed Jaamac oo munaasibadaasi dhagaxdhiga kahadashey ayaa ugu horey umahadnaqdey Shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom iyo MSG oo isku dhinaca , Oo maalgelinaaya labadan dhisme,
Wasiirada waxay sheegtey iney kufaraxsan tahey iney maanta dhagaxdhigto xarun lagu daryeelaayo caruuraha aan wakhtigu usaamixin in ay waalidkoodu daryeel oo noqdey darbijiif. Waxay marwo ilahaam tilmaamtey sida loogu baahan yahey in bulshadeenu u ilaalinlahyed .
Madaxa xuquuqda caruurta iyo Haweenka ee Haya’da ODHA Luul Xasan Mataan Oo iya namunaasiabdaasikahadashey ayaa ugu horey soo dhaweysey dhamaan dhismayaashan cusub ee maanta ay dhagdhigeysey wasiiradu iyadoo umaahdnaqdey shirkadaha dahabshiil iyo telesom ms goo dhinaca oomaalgelieyey dhismaayashani cusub ee loogu tallo galey daryeelida caruurta.
Marwo luul waxay xustey in xaruntani noqodoonto mid lagu daryeelo caruurta oo lagahelldoono dhamaan waxyaabihii ubaahan inlagu toosiyo caruurta sida waxbarashada ito waxyibii kalla duwanaa.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “maanta waxaynu joognaa xarun loogu tallo galey inlagu daryeelo darbijiifka waxaana saaka ay ujoognaa in ay wasiirada shaqada iyo arimaha bulshadu inoo dhagaxdhigto laba hool oo loogu talla galley in lagu daryeelo caruurta darbijiifka ah.
“Hoolka kowaad waxaa marlabaad naga gacan siiyey markaanu ubandhigney hasha taala baaxadeeda shirkada dahabshiil oo aanu uga mahacelineyno iney dayr kan oo ah oo ah mid aad u balaadhan ay dhismihiisa ay hirgeliso .hoolkalabaadna waxaa dhiaya shirakada Telesom Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid.” Ayey tidhi Luul.
Waxay Marwo Luul Xasan Mataan gabagagabadii baaq udirtey xuukumad iyo shacabka Somaliland waxayna tidhi{waxaan dhamaan xukuumada iyo bulshada Somaliland meelkasta oo ay joogaan ugu baaqayaa iney ufuran tahey iney gacan ka kageystaan sidiiloo horumarinlahaa daryeelka darbijiifka gar ahaan xaruntano lagu daryeelaayo,
Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee shirkada dahabshiil Prof. Xasan xiis oo isna munaasibadaasi kahadley ayaa sheegey shirkada dahasbhiil ay marwalba ka qayb qaadato horumarinta bulshada Somaliland waxaa uu xasan ka waramey caruurta darbijiifka iyo waayadii hore waxaanu xusey in dadbadan ay xaaladahan oo kale soo mareen sidaasi daraadeed loo baahan in laga wada shaqeeyo horumarinta hawlahani.
Waxaa uuxasan sheegey ingoobtan maanta dhagax ladhigaayo loogu tallo galley in caruurta darbijiifka lagu daryeelo akhlaaqdooda,waxbarashadooda,
Cali Maxamed Saalx {Cajab} oo katirsan madaxda Telesom oo isna munaasibadaasi ka hadleyayaa ku dheeraadey muhiimada ay leedahey in la daryeelo carruurta isoo bulshada Somaliland kula dardaamey iney kaqayb qaataan horumarka bulshada gaar ahaan daryeelka darbijiifka. Waxaa kale oomunasibadaasi kahadley masuuliyiin kale.
Asaaska xaruntan oo fikradeedu ka yimid Hayada wadaniga ah ee ODHA oo ka mid hayadaha ka shaqeeya horumarinta iyo xusuuqda aadamaha ee bulshada, isla markaana dhismaheeda oo laga hirgeliyey xaafadda Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe Waxaa dhagax dhigay Madaxweyne-ku-xigeenka Hore Somaliland, waxaana loogu talogalay in lagu ururiyo carruurta darbi-jiifka nolosha ka dhacay ee ku sugan magaalooyinka Somaliland.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Dhagaxdhigtey Laba Hool Oo Cusub Oo Laga Hirgelinaayo Xarunta Daryeelka Derbi-Jiifka Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback