Ninka mulkiilaha ahi wuxuu sheegay in Markabku xalay (habeen hore) degay, waxaana saaran…” Mid ka mid ah dadka Maraakiibta ka soo rara dekedda Dubai….WARAYSI GAAR AH.

Hargeysa-(Lug)-Markab u rarnaa ganacsatada Somaliland, ayaa la sheegay inuu ku degay Bada dalka Cumaan.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Paramata kana soo shiraacday dekedda Xamariya ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ku socday dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, wuxuuna ku degay Bada Cumaan ee Khaliijka Carabta.

Hase yeeshee, waxa jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya degista Markabkaas oo laga lahaa dalka Ciraaq.

Waxa la sheegay in Markabkan oo albaabka loo xidhay bishii Ramadaan markii rarkiisa la dhamaystisay uu muddo dheer hadal ka taagnaa, isla markaana uu siday badeecadihii ugu badnaa. “Markabku wuxuu soo shiraacday muddo hadda ilaa laba bilood laga joogo, kadibna wuxuu istaagay meel ka mid ah Dubai, waxaanu muran ka dhex dhacay ninkii soo raray ee kaariga ahaa iyo ninkii mulkiilaha ahaa. Muddo dheer markii uu halkaa taagnaa dadkii ganacsatada ahaa ayaa hawshiisa galay, guddi baa loo saaray, lacag baa iga dhiman ayuu yidhi ninkii mulkiilaha ahaa, dadkii ganacsatada ahaa ayaa markay nooligii wada bixiyeen lacag kale oo saa’id ah oo ilaa 40% ayey ku dareen, ka dib haddana ninkii markabka lahaa ayaa yidhi lacag kale ayaan leeyahay oo baaqi ku ahayd ninkan markii hore Markabka kiraystay ee lacag kale hala i siiyo,” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada uu Markabku u rarnaa oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal. “Markaa waqti dheer wax arrintaa lagu jiraba, Sabtidii dhawayd ayey arrintii kacday, dadkii ganacsatada ahaa iyo qoladii Markabka ayaa isqabsaday, qolada guddida dekeda Dubai ayaa dhexgalay, waraaq bay kala qorteen odhanaysa in ninka mulkiilaha ahi Markabka sii daayo oo badeecadaha la geeyo Berbera, qolada ganacsatada ahna in yar oo lacag ah oo gaadhaysa 100 kun o Dirham ah bixiya, markaa wuxuu yidhi ha ii qoraan in aanay Markabka iga qabsanayn marka aan Berbera tago, taasna ganacsatada ayaa u damaanad qaaday,” ayuu raaciyay ganacsaduhu.

Dhinaca kale, Cabdirashiid Nuux Cige oo ka mid ah dadka Maraakiibta ka soo rara dekedda Dubai oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay dhacdada la xidhiidha Markabka degay. “19-kii bisha ayuu ka soo baxay Dubai, waxaanu ku dagay bada Cumaan, waxaanay suurogalku ahayd inuu 10 cisho ku soo socdo. Laakiin, waxa jira magaalada shaki fara badan, sababtoo ah ninkii Markabka lahaa ayuun baa warkaa laga hayaa, maraakiibtii Xamariya joogtay waa la waydiiyey inuu la soo xidhiidhay markabkaa degay, waxayna sheegeen in aanay warkaa haynin,” ayuu yidhi Cabdirashiid Nuux. “Maraakiibtu markay degaan waa la ogaadaa oo fariin ayaa la diraa, markaa maraakiibta u dhaw iyo raadiyawyada sudhan oo dhan baa laga sheegaa, markaa waa la ogaadaa xaqiiqada, waana la helaa. Imika Dubai waa lala hadlay, waxayna yidhaahdeen warkaa ma hayno, Xamariya waa lala hadlay iyaguna sidoo kale, maadaama oo hore la isugu haystay oo ninkii markabka lahaa oo keliya warkani ka soo baxay, lama rumaysan karo. Laakiin, waxa la hubsan doonaa insha alla beri (maanta)…Ninka mulkiilaha ahi wuxuu sheegay in Markabku xalay (habeen hore) degay,” ayuu raaciyay.

Mar la waydiiyay tirada xadiga hantiyeed ee saarnaa, waxa uu yidhi, “Ilaa lix Milyan oo doolar way gaadhaysaa.”

Waxa uu sheegay in badeecado noocyo badan ka kooban, gaadiid ilaa 180 baabuur gaadhaya iyo alaabooyin kale saarnaayeen Markabkaa MV Baramata.

Waxa uu sheegay in Markabku hore u iman jiray dekeddaha Berbera iyo Boosaaso oo uu tobankii sannadood ee u dambeeyay ka shaqaynayay.

Ogaal