Boorama-(Lug)-Xubnaha Golaha wasiirada kaga jira G/Awdal ayaa maanta usoo baqoolay dhinaca caasimadda Hargeysa kaddib laba casho iyo laba habeen qaybo ka mid ah dadweynaha reer Boorama usoo wada dhammaysteen soo jeed badan iyo wadahadal badan.
Xubnahan oo kala ah wasiirka caddaladda Ismaaciil Muumin aare, Faarax Cilmi wasiirka beeraha iyo wasiir kuxigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriil ayaa socdaalkooda kusoo beegmay wakhti xiisad kululi ka taagan tahay arrimo door ah saamayn ku yeeshay xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo iyo guud ahaanba Gobolka, kuwaasoo la xidhiidhay dhacdooyin iskuxigxigay oo ka dhashay arrimo ku saabsan dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada.
Sidoo kale ayaa socdaalka wasiiradani kusoo beegmay wakhti reer Awdal xukuumadda sare ka sugayeen Jawaabta su’aalo badan oo ay salaadiinta reer Awdal weydiiyeen wasiirka daakhilga Dr.Gabboose markii uu dhawaanta booqashada ku yimi Boorama.
Marka haddaba la eego socdaalka ergooyinka golaha wasiirada reer Awdal ee wakhtigan ayaa dad badani isweydiiyeen arrimaha la xidhiidha socdaalkooda, iyadoo qaybo ka mid ah dadweynaha magaaladu filayeen in maamulka gobolka iyo kuwa amnigaba ay tallaabo ka qaadi doonaan iyagoo u arkayey inay ubadkooda gardarro ku xidhxidheen, halka kuwa kalena aaminsanaayeen in ay wasiiradu dacwad ku qaadi doonaan ciddii soo abaabushay bannanbaxyadii gobolka ka dhacay lana xidhxidhi lahaa siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga UDUB, halka kuwa kalena filayeen in wasiirada reer Awdal isugu yeedhi doonaan shacbiga magaalada, isla markaana ku sasabi doonaan arrimo badan oo horumar ah
Inkastoo wasiirada reer Awdal Boorama ku yimaaddeen iyagoo wada socda, balse magaalada ka kala degey meelo kala duwan, markii ay soo gaadheen habeennimadii khamiistii, hase yeeshee waxay wadajir uga qaybgaleen shirarka xidhiidhka ahaa ee ay la yeelanayeen bulshada, kaasoo ka socday guriga martida .
Sida caadada ah wasiirada u dhashay degaanka Awdal ayaa lagu yaqaan inaysan la hadal warbaahinta, iskana qariyaan balse marka wax ka xumaadaan ay saxaafadda ku eedeeyaan
in laga beensheegay, socdaalkoodanna kama duwana kuwii ay hore ugu iman jireen saaxibadoodii hore ee xilka ka degay marka laga reebo Marxuum Cabdi Xasan Buuni.
Haddaba markaan dib ugu noqonno safarka wasiirka xukuumadda Axmed Siilaanyo u metela G/Awdal ayaa sida ay sheegeyaan warar ku dhaw dadkii ay kulamada kula qaateen guriga martida ee Boorama, isla markaana ay goobjoogga ka ahaayeen masuuliyiinta maamulka iyo amniga ee gobolka Awdal, sheegeyaan in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay arrimo badan oo aan kala debcinta xiisad soo kala dhex gashay masuulyiinta gobolka iyo qaybo ka mid ah dadweynaha, taasoo ka dhalatay xadhigga dhallinyaro lagu soo eedeeyey mudaaharaadyadii Boorama ka dhacay bilku dhawaadkana ku xidhnaa xabsiga iyo arrinta kale oo lagu tilmaamay inay la xidhiidho dejinta xiisadda siyaasadeed ee gobolka hadhaysay tan iyo markii xisbiga UDUB lagaga adkaaday doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa bulshada khilaafkaasi ku kala fogaatay .
Fadhiga guriga martida dawladda ee Boorama jilbaha ay isku aasteen qaar ka mid ah odayaasha , salaadiinta iyo waalidiinta ubadku ka xidhnaayeen ayaa uun natiijadiisa laga arkay in lasii daayo dhallinyaradaasi iyo maamulka gobolka iyo ciidamada amniga oo siday filayeen qaybo ka mid ah dadweynuhu lagu canaanan, balse laga baajiyey go’aankoodii ahaa in dhallinyaradaasi ay soo qabqabteen maxkamad la keeno, taasina ay lafjab u qaateen .
Haddaba marka laga yimaado natiijada wadahadalkooda ama safarkooda kasoo baxday ayaa waxa meesha ka maqan iskusoo dhaweynta dadweynaha gobolka iyo dawladda, taasiyoo la filayey inay ugu horreyn ku dhaqaaqaan, sidoo kale ayaa wafdiga laga filayey inay dadweynaha reer Awdal usoo bandhigaan waxay wafdigu ka keeneen cabashooyinkoodii uu kasii qaaday wasiirka daakhiligu, kuwaasoo ay bulshada reer Awdal wakiil uga ahaayeen salaadiinta reer Awdal ayaa sida uu ii sheegay mid ka mid ah salaadiin ta reer Awdal, lagu casuumin wadahadaladaasi isla markaana wasiiradu u yeedheen ama wadahadaladaasi ku casumeen qaybo kale oo ka mid ah dadweynaha .
Ugu dambayntiina socdaalka wasiirada reer Awdal ku yimaaddeen Boorama ayaa looga fadhiyey wax ka badan sii deynta dhallinyaradaasi, isla markaana loo baahnaa inay intii itaalkooda ah ay ku dedaalaan inay sii galaan arrimo ka ballaadhan dhallinyarada siideyntooda , kuwaasoo ay ka mid yihiin xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee weli ka jira gobolka ama Boorama, isla markaana kulanno la yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada iyo hogaamiye dhaqameedyada gobolka ee dhawaanahanba iyagu horseedka u ahaa gudbinta cabashooyinka bulshada gobolka. si ay iskugu soo dhawaadaan dadweynaha iyo dawladda cusub.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirada Reer Awdal Kaga Jira Xukuuma-du Maxay Kala Soo Hoydeen Socdaalkoodii Boorama? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback