maxamed-xaashi.jpgHargeysa- (Lug)- Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay khasaaraha ka soo gaadhay Ganacsatada reer Somaliland Markab u raraa oo ku degay xeebta dalka Cummaan,
kaasi oo ay saaraayeen badeecado malaayiin dollar ah oo isugu jiray gaadiid, bagaash iyo alaabo kala duwan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa u dhignayd sidan:- “Anigoo ku hadlaya magaca Wasaarada Maalliyadda, waxaan aad iyo aad uga xumahay khasaaraha soo gaadhay ganacsatadayada baddeecadii uu kala degay markabkii magaciisu ahaa MV?Barmaati ee laga soo raray Dubai kuna degay xeebta dalka Cummaan.

Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu cawil naq ka siiyo Ganacsatadaasi khasaarahaas soo gaadhay maalkoodii.”

Dhinaca kale, Qoraalka Wasiirka Maaliyada laguma xusin in xukuumadu ay wax dhaqaale ah siinayso ganacsatada khaasaruhu soo gaadhay iyo in kale.

HWN