Boorama-(Lug)-Dayacnaanta ka muuqata xarunta fanka iyo suugaanta, Hidaha Iyo Dhaqanka, ciyaaraha iyo dhalinyarada ahna madasha madadaalada gobolka Awdal
oo ahaa halka ay udhasheen aabayaasha kala duwan ee ilaa hada lagu xasuusto fanka iyo suugaanta oo hormood u ka ahaa abwaan Xasan Sh.Muumin Gorod iyo waliba fanaankii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay inuu saaro laxan heesaha Soomaaliga ahaa ee loo yaqaanay fanaan Cabdi Deeqsi Warfaa “Cabdi Sinimoo”.
Iyada oo ay intaasi u dheeray garabka haweenka oo ay ugu horeysay gabadh heesta oo waayahadaasi ku cusbayd wax heesa taasi ay dadku u arki jireen in gabadhi haday heesto ay ceeb tahay taasi oo ay ahayd fanaanadii ugu horaysay ee Qadiijo Balwo hadaba hadii ay tahay taariikhdu sidan maxay noqon kartaa kaalinta ay kaga jiraan waaxda fanka iyo suugaanta ee gobolka Awdal marka la isu barbardhigo qadobada kor ku xusan ee soo jireenka ah.
Madashani hanuuninta ayaa ahaa ahayd madal lagu bilaabay hawlo kala duwan sida hoolka ugu horeeyay oo ahaa madasha fanka iyo suugaanta iyo madadaalada magaalada halka dhanka bari kaga soojeeda intii ka horay 1959kii ay ahaan jirtay xarunta Saldhiga magaalada Boorama iyada oo ay ku lamaanayd xarunta qaadiga oo iyana kasoo jeeday dhanka koonfureed ee hada ah madasha fadhiga ah intii ka danbaysay waxaa loo kala furay xarumo u kala gaar ah halka looga dhisay dhismo u gaar ah saldhiga oo ilaa hada lagu shaqeeyo halka qaadiga magaaladana loogu wareejiyay madashii hore oo dhawaan iyadana laga guuray.
Marka aan kusoo noqono hadal haynta dayacnaanta hanuuninta ayaa ah mid caado ka noqday dadwaynaha reer Boorama inay faraha ka qaadaan iyada iyo dhamaanba dhulkii ay lahaydba hadii ay noqon lahayd goobaha lagu gudbo gaadiidka ay wataan shacabka imanaya madasha iyo masuuliyiintuba waxaa kale oo intaasi dheer inay shakhsiyaad gaar ahi ay gacanta ku dhigeen musqulihii loogu tala galay dhalinyarada ku dhaqan gobolka iyo kuwa ugu yimaada martidaba ee ka kala imanaya daafaha gobolada dalka ay ku daahirsan lahaayeen.
Inkasta oo aysan wali laga hayn xataa inay ufuliyaan adeega suuliyada gaarka loo leeyahay ee loo yaqaano xamaam amaba tuush kana qaadin wax la lacag ah amaba ay xayndaabkusoo xidheen kaasi oo ay isaga xakamaynayaan dhalinta ku ciyaarta madashaasi oo isugu jirtay ilaa laba garoon kuwaasi oo kal ah garoonka kubada kolayga amaba pascket ka iyo garoonka fanka iyo suugaanta, hidaha iyo dhaqanka madadaalada magaalada iyo tani gobolkaba.
Kadib markii ay ka baxday xukuumadii uu hogaaminayay Madaxwayne Maxamad Siyaad Bare ayaa waxaa isaga danbeeyay saddex xukuumadood oo aymidi taagdaranayd halka kalabada kale ay awood buuxda u lahaayeen inay wax ka qabtaan baahida kamuuqata madashaasi korku xusan.
Iyada oo markaasi soo Celina kari lahaayeen dhulkii ay gaarka u lahayd hanuunintu ee boobka lagu qaaday waxaa ugu horaysay dawlad awood buuxda u le inay wax ka qabato boobka halkaasi ka socday xukuumadii Maxamad X.Ibraahin Cigaal waxaa ay ku dhamaystay hubka dhigis iyo waliba laaluush gaar dad gaar loo siiyo, waxaa xukuumadaasi ka danbaysay xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo iyadana ku dhamaysatay kala gaynta bulshada iyo kalasoo dhawaysi dadwaynaha reer Somaliland.
Hadaba waxaa hada gacanta ku haya maamulka xukuumadeed ee hagaya dalka waa xukuumadii Axmad Maxamad Maxamuud “Siilaanyo “iyo ku xigeenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici”.
Waxaanay guud ahaanba dadwaynaha reer Somaliland ugu balan qaaday balan qaadyo kala wada duwan lagana wada dhirsugayo inay fuliso shanta sano ee ay hayso xukunka dalka laguna wada xisaabtami doono balan qaadyadii ay qaaday inkasta oo ay hortaalo caqabado fara badan oo ay usii dabeen xukuumadihii uga horeeyay hogaanka dalka dhanka kale marka loo soo laabto arimaha dawlada hoose dagmada Boorama waxaa mudan in la iska waydiiyo ma waxaa ay kari wayday nidaamka ay ku shaqayso ee nadaafada ay ka qaatan tahay madasha hanuuninta magaaladu oo ahayd madashii ugu horayn lahayd taasi oo ay haatan dhex yaalaan xashiish taasi oo ayna ka muuqato dayacnaan aad u daran.
Dawlada hoose ee dagmada Boorama hadii ay indhaha ka laabanayso mooyee waxaa jira nidaam wanaag wax lagu qaban karo kaasi oo ay bulshadu kucaan baxday gaar ahaan bulshada ay masuulka ka yihiin nidaamkaasi oo loo yaqaano iskaa wax u qabso amaba ururinta lacagaha danaha guud.
Marka laga yimaado waxaa dalka iyo gobolkaba kajira shirkado ku loolamaya bulshada , shirkadahaasi oo ahna tan goobaha dayacnaantu ka muuqato wax ka qaban kara waxaa ay kaga qayb qaadan karaan dayactirka bulshada inay ugu baaqaan maamulka dawlada hoose ee ay arrimahani khusayso kuna faani doona hadii aad wax qabato guud ahaanba inay qaybiyaan isla mar ahaantaasina ka codsadaan inay kuu muujiyaan sawirada amaba xayaysiinta shirkadaha iyo kan maamulka gobolka sida laanta amniga tan dawlada hoose , waxbarashada iyo waxyaabo kale oo uu gobolku can ku ahaa.
Dhanka kale kuma koobna wax qabad la’aantu xukuumadaha isbadalay ee waxaa qayb laxaadle ka qaatay fadhiidnimada dadwaynaha reer Awdal hadii ay joogan gude iyo dibadba marka loo eego hildanka gobolada dalka ka socda kaalinta ay kaga jiraan qurba jooga gobolada kale waa ay ka muuqataa oo waxaa la odhan karaa waxaa inaga ina gabay qurba jooga gaar ahaan ahaan kuwa gobolada Awdal iyo Salal.
Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqurux”
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dayacnaanta Hanuuninta Mag.Boorama Iyo Wax U Qabad La’aantii Xukuumadihii Iskaga Dambeeyey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback