M/weynuhu wuxuu u arkaa xubno culus oo qarankan ka mid ahi inaanay wali raali ka ahayn sida wax loo wado, balse..” Wasiirka Daakhiliga
“Dalka waxa ka dhacay saddexdii bilood ee ugu dambeeyey 26-Dil, waxaanu gacanta ku dhignay..” Taliyaha Booliska
Gogosha barigu idinka ayey idinku kooban tahay, guddida nabadelyada ee golaha maxaa idiinka meel yaala?
Hargeysa-(Lug)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay su’aalo waydiiyay Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre (Kabaal), isla markaana ka dhegaystay warbixin ka hadlaysa xaaladda amni ee dalka iyo waxyaabaha uga qorshaysan xukuumad ahaan.
Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo ay ka soo xaadireen 49 Mudane oo mid ah 82-ka mudane ee uu ka kooban yahay aqalka Odayaasha Somaliland, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiyha Golahaas Saleebaan Maxmuud Aadan, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Guddoomiye Saleebaan oo mudanayaasha ku wargeliyay in ay marti u yihiin masuuliyiintaasi, isla markaana ka warbixiyay sababta loogu yeedhay masuuliyiintaas. “Wasiir Goluhu waa xogdoon, waxana taas sabab u ah dhacdooyinka todobaadyadan dambe dhacayey, haddii ay tahay Ciidan aan inaga ahayn oo dalka dhex mara, ama afduuba. Waxaanu doonaynaa in aanu wel-welka idinla qaybsano, oo aad xog na sii saan,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, waxa halkaa hadal ka jeediyay Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo hadalladiisa ay ka mid ahaayeen, “Dal kasta oo caalamka ka mid ah hantida uu haysto waxa ugu qaalisan nabadda, haddii nabadda la waayo wax kale oo dhismi karaa ma jiraan, waxa ku xigaa waxa weeyaan hurda la’aan, qax iyo rajo xumi,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda nabadda.
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay aragtidiisa la xidhiidha awoodda sharciyeed ee Golaha Guurtida. “Hantidaa qaaliga ah ee qaran waliba ku dhisan yahay seeskiisu, waa kolba inta nabadiisu sugan tahay. Waa qodob dastuuri ah oo golaha la siiyey inay la socdaan, taakuleeyaan wixii ay qaranka la qaban karaanna la qabtaan. Golahan (Guurtida) marar badan marka laga hadlaayo cawaaqib-xumada dheeraatay ee ka socota Koonfur, Alla ha u naxariistee Cigaal wuxuu ku celcelin jiray, odayaasha ayaanu dheernahay. Sidaa darteed, umaan iman Gole iyo wasiir kala shakisan, ee waxaan u imi, xogta jirtana inaan idin siiyo, su’aal kasta oo mudan goobtana la I waydiiyo. anigu si xushmad leh aan uga jawaabo wixii aan ka ogahay,” ayuu yidhi Wasiirku.
Dr. Gabboose wuxuu ka hadlay wada-shaqaynta labada Gole ee Xukuumadda iyo sharci-dejinta iyo sidoo kale heerka nabad-gelyo ee dalka. “Qaranka inkasta oo ay hay’adihiisu kala magaca yihiin, haddana qaranku waa sida qofka bani’aadamka ah, in la wada shaqeeyo mooyaane, qaranku ma kala socon karo. Dhankayaga waxaanu idiin xaqiijinaynaa inaanaan u arag inaanu kala gaar nahay, ee waxaanu wadno waxaanu u aragnaa wax aynu wada leenahay. Dalkeena saacaddan aynu joogno, Wasaaradda Arrimaha guddaha oo amniga dalka masuul ka ahi, ma oga wax dhibaato ah oo ka taagan oo nabadgelyo-xumo ah. Ciidankeena iyo ciidan kale oo is-horfadhiya oo dagaal ka socdaa ma jirto. Ciidamo kale ama Budhcad ama argagixiso ama ururo kale oo qarankeena weerar ka dhexeeyaa ma jiraan, magaalo dalka ka mid ah oo saacadan xasilooni darro ka taagan tahay oo la idiin sheegayna ma jiro, ” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dalku waa nabad. Cidda leh nabadgelyo-xumo ayaa jirta, iyagaa golaha ka sheegi kara. Anagu waxaanu idiin sheegaynaa haddaan la siyaasadaynayn dalku waa nabad. Saaka intiina hore u soo kacday waxay soo mareen suuqa bacadlaha wadhan oo ganacsi xooglihi ka socdo oo nabadgelyo ah, waxaa furan intaas oo iskuul iyo jaamacadood oo astaanta nabadgelyada ah, waxa xoog u socda ganacsiga dalka, iyadoo dal walba sicirka uu yahay waxyaabo gaarkooda u saamayn kara. Laakiin koboca dhaqaaluhu sal u yahay in nabadgelyadeenii ay kor u socoto. Telefishan haddaad daawateen dumarka, carruurta iyo waayeelka qashinka guraya, inkastoo aan ka jeclaa markii uu madaxweynuhu qashinka ku jiray inaan xubnihiinana aan ka arko Tv-ga oo aan ka waayey.”
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay derejada amniga Somaliland ee ay Qaramada Midoobay kor u qaadday oo uu sheegay inay macnaheedu tahay in ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ay soo degi karaan dalka iyo sidoo kale hadallo ka soo yeedhay Mudanayaasha Golaha Guurtida qaarkood. “Waxa aad wax looga xumaado ah in ajinabigii iyo hay’adihii caalamkuna ay leeyihiin Somaliland waa meel nabad ah oo ay dadkodii u soo rarayaan, Xildhibaanada Guurtida qaar ka mid ahina ay ku dhaarteen inaan Somaliland nabadgelyo ka jirin. Golahani maaha kii odhan laha ereyadaas, nabadgelyadu siyaasad ma gasho, malaha UDUB, malaha KULMIYE, malaha UCID, malaha Guurti iyo wasiir. Somaliland markay u ruqaansatay inay qaran noqoto, masuuliyiiteedii qaar ka mid ahi markay kaga qaylinayaan Tv-yada dalkii wuu burburay nabadgelyadiina farihii way ka baxday maxay tahay micnaheedu? Waa derejada afraad nagu celiya dalkan ma imaan kartaan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Intaa ka dib, qaar ka mid ah su’aalo la waydiiyay Wasiirka iyo jawaabihii uu ka bixiyay, ayaa waxay u dhaceen sidan;
S: Wasaarada waxa lagu soo daray wasaarada dibu-dejinta waxa jirta mushkilad, magaalada Hargaysa dadka ku nool ee u dhashay iyo dadka oromada way isleegyihiin, maxaa idiinka qorshaysan wasarad ahaan?
J: Laba dariiq ayaa noo furnaa wasaarad ahaan markaanu inaanu anagu go’aamo soo saarno oo aanu ku dhaqaaqn afcaal, markaanu tashanay waxa la isku raacay in la qabto shir aqoon-iswaydaarsi ah, wuxuu ka dhacayaa Hotel Ambassador bisha soo socota. Waxaad ka tihiin qaybaha ugu culus ee khudbadaha halkaa ka jedinaya, waxaanu go’aan dadkaa kala duwan afkaartoodu inay noqoto talada kama dambaysta ee aanu ku hagayno siyaasada dadkan ajinabiga ah, markaa hawshaa waanu dhamaynay.
S: Gogosha barigu idinka ayey idinku kooban tahay, guddida nabadelyada ee golaha maxaa idiinka meel yaala?
J: Gobollada aan xasiloonayn qaarkood waxay u baahan yihiin xal siyaasadeed, gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waa gobollo u baahan xal siyaasadeed. Madaxweynuhu wuxuu u arkaa xubno culus oo qarankan ka mid ahi inaanay wali raali ka ahayn sida wax loo wado, inay ku wax ku maqan yihiin, in la waraysto oo la wada fadhiisto oo gogol walaaltinimo la wada dhigto, wixii khilaaf ah la shaandheeyo, uma arko Madaxweynuhu xal milateri inuu yahay waxa go’aanka lagu keeni karo. Sidaa darteed wuxuu hormariyey inuu gacantii nabada fidiyo.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Jen. Cilmi Rooble Fure (Cilmi-Kabaal) waxana uu sheegay in uu muddo laba bilood ah xilka hayay, waxa kale oo uu sheegay in ay hayaan hawshii jeelka weyn ee Hargaysa, waxanu tusaale u soo qaatay in habeen hore Saldhigga dhaxe ay ku hoydeen in 286 oo maxbuus oo isugu jira kuwo la xukumay iyo qaar aan ka xukuminba.
Waxa kale oo uu ka hadlay Taliyaha Boolisku falalka dilalka ee dalka ka dhacay saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. “Dalka waxa ka dhacay saddexdii bilood ee ugu dambeeyey 26-Dil, waxaanu gacanta ku dhignay gacan-ku-Dhiiglayaashii falalkaas geystay 21 ka mid ah, intii kalena waanu ku daba joognaa,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Ogaal


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hargeysa: Maxay Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Boolisku shalay kala kulmeen Golaha Guurtida?. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback