kulankii-siilaanyo-iyo-wasiiradii-hore.JPGHargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay saddex ka mid ah wasiiradii ugu miisaanka cuslaa
 xukuumadii hore ee daahir Rayaale Kaahin.

kulankii-siilaanyo-iyo-wasiiradii-hore.JPG

Kulankaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu madaxweyne siilaanyo ku qaabilay wasiiradii hore Maaliyada Xuseen Cali Ducaale Cawil, Wasiirkii hore ee Duulista Mud. Cali Maxamed Warancade iyo wasiirkii hore ee Hawlaha guud siciid Sulub Maxamed.

Madaxweyne siilaanyo wasiiradii hore oo uu guddoominayay wasiirkii hore ee Maaliyada oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa waxa ay kaga wadahadleen sida ay xaalada dalku hada tahay iyo wixii u baahan wax ka qabasho.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ujeedada kulankani uu ahaa mid ay dhinacyadu iskaga laab xaadhaneeyn xurgufttii siyaasadeed ee wakhtiyadii doorashada iyo ka horba.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah kaas oo ay isku soo horfadhiisteen dhinacyo ay deeradu dhex miranaysay, waxaana ku soo gabogaboobay jawi is faham

HWN