Borama-(Lug)-Saddex bilood kudhawaad ayaa laga jooga tan iyo markii guddoomiyihii xisbiga Kumiye, haatanna ah madaxweynaha dalka u magacaabay masuulyiintii sare iyo kuwii hoose
ee beddeli lahayd xukuumaddii lagaga adkaaday doorashooyinkii dhacay 26kii Juun ee xisbiga UDUB. Tan iyo wakhtigaana waxa socda magacaabid jagooyinkii ugu dambeeyey ee lagu buuxin lahaa inta ka dhiman maamulka xukuumadda Kulmiye ,
Tan iyo wakhtigaa ayaa sidoo kale waxa dhinaca kale ka socda xilwareejinno, xaflado lagusii sagootiyayo ama lagu soo dhaweynayo masuulyiinta cusub ee uu saameeyey isbeddelka siyaasadda ee dalku .
Sidoo kale ayaa weli wasiirada iyo masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda axmed siilaanyo qaarkood xafiisyadii loo dhaariyey si wanaagsan u fadhiisteen, halka kuwa kalena weli ay La tacaalayaan isbarashada masuulyiintii iyo shaqaalihii uu hay’adaha dawladda kaga tegey xisbiga UDUB, kuwaasoo xilalka ku yimi ama ku haystay sifo kala duwan . Masuulyiinta cusub qaarkood ayaa weli aaminsan inaan la gaadhin wakhtigii ay kala xarraasi lahaayeen masuulyiinta hoos yimaadda maamulkooda ee dhibay wakhtigii ololaha, halka kuwa kalena shaqaalaha iyo masuulyiinta ay ugu yimaaddeen xafiisyadaasi u haysta kuwa wax u tari kara ama bari karaya shaqada iyo masuuliyadda loo dhiibay .Sidaasoo kale ayaa masuulyiinta cusub ee Axmed Siilaanyo qaarkood durba qabteen hawlihii hay’adaha loo igmaday, halka kuwa kalena ay garan laayihiin meel ay ka bilaabaan .
Haddaba marka loo dhabo galo saddex bilood ku dhawaad xilka ay hayeen masuuliyiintaasi ayaa durba waxa soo baxaya in masuulyiinta sarsare ee loo magacaabay wasaaradaha iyo hay’adaha aanay badi la qabsan hawsha, isla markaana ay haystaan dhibaatooyin ay wax la dhaqaajin lahaayeen kuwaasoo ay ugu daran tahay kharash la’aan haysata, mushaar la’aan shaqaale iyo duruufo kale oo ay masuulyiintaasi qaarkood kuba seexan habeen keliya, isla markaana aaminsanaa in xilka loo dhiibay la kawsan doono dhereg iyo dhaqaale ay wadhwadhaan, taasoo ay is lahaayeen waad ku illoobaysaan diiftii ololihii xisbiga Kulmiye kala soo deristay .
Wasiirada iyo masuulyiinta maanta inta badana la maqlaa way yaryihiin, inkastoo ay yihiin kuwa hawsha ugu badan ee qaranku ku duldhacayso marka laga eego amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, Markaad dhegeysato dadweynaha ama daawato warbaahinta, waxaad ogaanaysaa inay dalka xukumaan dhawr wasiir, halka badi labaatankii masuul ee lala magacaabay masuulyiintaasi aanay weli iman fagaaraha siyaasadda xukuumadda Axmed Siilaanyo, isla markaana ka gabbanayaan dagaalka siyaasadeed ee durba ka dhex bilowday qaybo ka mid ah dadweynaha, xisbiyada siyaasadda iyo xukuumadda Axmed Siilaanyo .
Masuuliyiinta durba u badheedhay difaaca xukuumadda gar iyo gardarro midkay doontaba ha ahaatee iyo wasiirada ku dhaqaaqay nidaaminta ama hawlgelinta hay;adihii loo igmaday ayaa waxa ugu horreeya wasiirka daakhiliga Dr.Gabboose, wasiirka warfaafinta C/laahi Geeljire , Taliyaha Booliska Cilmi Kabaal, badhsaabada Togdheer iyo Sool, wasiirka xoolaha iyo degaanka Axmed Xaashi, wasiirka beeraha oo durba isku dayaya inuu dalka bariis ka beero.
Sidoo kale ayaa wasiirro ama masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Axmed Siilaanyo oo isku dayaya inay muujiyaan nidaam wanaagsan oo musuqmaasuq ka madhan yahay durba aanay soo dhaweynin qaybo ka mid ah bulshadu, isla markaana hawshoodu ugu muuqataa mid lagu lugoynayo shacbiga ama dawladda, wax qabadkooduna ula muuuqday dibudhac iyo jaahwareer. Marka dhinaca kale laga eego waxa jira masuulyiin iska dhawraya eedo kaga yimaadda dadweyha, shaqaalaha ama masuulyiinta hoos yimaadda, isla markaana aan qaadan go’aanno ay ku eryi karaan ama ku qoran karaan shaqaale anfaca, kuna eryi karaan kuwa an waxba u tarayn maamulkiisa .
Sidoo kale ayaa qaarkood u arkaan in xafiisyada loo igmaday lagala wareegay beelo iyo gobollo, sidaa darteedna cid kastoo ama shaqaale kastoo jeeda masuulkii sii fadhyi jiray ka gaabsanaya haddii ay wax kharibaan iyo haddii ay wax u tarayaanba . Sidoo kale ayaa masuulyiin ka tirsan xukuumaddu una badan qurbajooggu xafiisyada u maamulaan sidii yurub oo kale, balse ay shaqaalihii la bartay nidaamkii wax lagu cuni jiray durba xumaan u qaadeen , sidaa darteedna xilka ay hayaani dhib ku yahay si ay uga tegaanna garan la’a maadaama laba bilood ay xilka hayeenna rajo ka qaba in wax isbeddeli doonaan .
Si kastaba ha ahaatee waxa durba soo baxaya miisaan kala duwan, kala duwan siyaasado kala duwan iyo dareenno kala duwan oo ay ku shaqeeyaan xafiisyada dawladda xukuumadda Axmed Siilaanyo, iyadoo durba ay jiraan dareenno xukuumadda sare ka qarinayso habdhaqanka masuuliyiinta sarsare ee dalku si aanay uga faa’iideysan mucaaradka wakhtigani.
Ugu dambayntiina saddex bilood oo ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa durba la kala ogaaday kala duwanaanshaha shaqada masuuliyiinta sarsare ee dalka, kuwaasoo hadii ay sidaa kusii wadaanna qabsan doona quluubta dadweynaha , halka kuwa kalena masuuliyiinta ka sarreysaa sugayaan fursad kale oo ay kaga takhalusi karaan .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ma La Gaadhay Wakhtigii La Qiimayn Lahaa Kartida Ama Karti Darada Masuuliyiinta Xukuumadda Axmed Siilaanyo? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback