Hargeysa-(Lug)-Wasiiraddii hore ee UDUB ee doraad Madaxweyne Siilaanyo kula kulmay Qasriga Madaxtooyadda ayaa shalay galab uga waramay xubno ka mid ah Xisbigii UDUB kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale.
Kulanka Xog-waranka ah ee ay Xubnahaasi la yeesheen Xisbigooda ayaa la sheegay inuu ka dhacay Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo hada ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, waxaanay warar aanu ka helnay kulankaasi kadib sheegeen in ay kaga warameen waxyaabihii ay ku wada hadleen oo la sheegay inay ku sababeeyeen inuu ahaa kulan uu Madaxweynuhu ka dalbaday oo qabiil ahaan uu u martiqaaday ee aanay xisbiga ku metelayn
Wasiiradaasi hore ee ka tirsanaan jiray Xukuumaddii UDUB oo kala ahaa Xuseen Cali Ducaale, Cali Maxamed Warancade iyo Siciid Sulub waxa ay Xisbigooda u sheegeen Madaxweynuhu inuu ka codsaday Beel ahaan inay la shaqeeyaan Xukuumaddiisa oo ay ka daayaan Mucaaradada ay wadaan, taasoo ay sheegeen dhinacooda Madaxweynaha inay ugu Bandhigeen inaanay joojin doonin Mucaaradnimadooda maadaama ay yihiin Xisbi Mucaarad ah balse ay u balan qaadeen inaanay marnaba waxba u dhimi doonin Qaranaimadda iyo Nabadgelyada Dalka
Xubnahaasi waxa ay ku dheeraadeen Madaxweynaha inay u Bandhigeen inuu ku kacay falal Aargoosi ah oo sababay inay soo deg-degto Mucaaradada uu sheegay inay wadaan taas oo ay ku tilmaameen inay Dalka gayaysiin karto haddii aanu ka noqon inay horseedi karto fawdo iyo Amaan-daro la mid ah tii ay ku kaceen Madaxweynayaashii ka horeeyay Rayaale kuwaasoo ku kacay falal la mid kuwa uu intii uu talada la wareegay kula kacay iyaga iyo beeshoodaba oo ay u arkeen inay tahay Aargoosi.
Warbixinta ay Xubnahaasi siiyeen Xisbigooda waxa sida ay ilo-wareedyadaasi sheegeen ugu bandhigeen Madaxweyne Siilaanyo falalka lagula kacay ee ay diidan yihiin oo kala ahaa baadhistii lagula kacay Masuuliyiintii ka soo jeeday Beeshooda oo ahayd arrin lagu degdegay isla markaana Sumcadooda iyo Karaamada ay Dalkooda ku leeyihiin lagu dilayay.
Sidoo kale waxa ay sheegeen inay ugu bandhigeen falkii ka dhacay Guriga Cawil inuu ahaa mid ay xukuumaddu wax ka qabashadiisa ka gaabisay markii uu dhacay oo aanay taageero ka helin dhinaca Xukuumadda. Waxaanay Warbixintooda ku sheegeen Madaxweynuhu inuu ka cudur daarat dhacdooyinkaas oo dhan oo uu sheegay inaanu waxba kala socon balse wixii danbe uu wax ka qabanayo
Warbixinta Xubnahaas ka dib ayaa la sheegay fadhigaas inay Madaxda Xisbiga UDUB iskula qaateen inaanay mar danbe dhicin arrintaas oo kale oo go’aan aanu xisbigu wada gaadhin lagaga qayb qaato kulamo lagula hadlayo Xisbiga Talada haya taasoo ay Madaxdii kale ku tilmaantay inay horseedi karto in la ugaadhsado oo kooxba meel cidlo ah laga helo, inkastooy xubnahaasi sheegeen inay Guddoomiye ku xigeenka la socod siiyeen kulanka
Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin natiijada kulanka madaxweynaha iyo xubnaha ka tirsan wasiirradii xukuumaddii Rayaale, haddana sida wararka ku dhodhow madaxtooyadu tibaaxeen, kulankan waxa dalbaday madaxweynaha, iyada oo ujeeddadiisuna ahayd sidii ay Md. Siilaanyo iyo wasiirradaasi isu laab xaadhan lahaayeen, maadaama oo xurgufo badan iyo cadawtinimo siyaasadeed dhexmartay muddadii dheerayd ee uu hoggaamiyaha mucaaridka ahaa, iyaguna giraanta u hayeen maamulkii hore, isla markaana ay hadda soo baxeen tuhuno suuqa la soo galiyey oo sheegaya in xukuumadda cusub ka aargoosan doonto raggii ugu miisaanka cuslaa ee ka tirsanaa xukuumaddii doorashada lagaga adkaaday ee xisbiga UDUB.
hasayeeshee sida tibaaxuhu sheegeen, waxa madaxweyne Siilanyo u sheegay saddexda wasiir in haba yaraatee aanay jirin wax cadaawad ah oo uu xiligan uu u qabo, isaga oo ka shaki saaray in aanay jirin cid xukuumadda cusub si gaar ah u eryanayso oo laga aarsanayaa, balse loo baahan yahay in la saxo wixii khalad dhacay.
Waaheen


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiiraddii UDUB Oo Sheegay M/weynuhu Inuu U Dalbaday Reer Ahaan Ee Aanay Xisbiga UDUB Metelayn "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback