berbara.jpgBerbera-(Lug)-Saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada badda dalka Ingiriiska ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay gelinkii hore ee shalay ka soo degay dekedda magaalada Berbera, halkaas ay kulan saacado qaatay kula yeeshay masuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Sariikiisha Ingiriiska ah oo saarnaa maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan xeebaha Badda Cas waxa ay dekedda Berbera ku yimaaddeen laba laash, waxana halkaas ku qaabilay Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Gen. Axmed Aw Cismaan, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Liibaan (Fooxle), Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Duqa magaalada Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere).

Saraakiisha ciidammada badda ee Britain waxa ay shir albaabadu u xidhnaayeen kula yeesheen xarunta taliska ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera.

Kulankaas oo qaatay muddo saacado ah, ayaan si cad loo ogayn waxyaabaha rasmi ahaan labada dhinac kaga wadahadleen. Haseyeeshee, sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo ku dhodhow masuuliyiinta Somaliland ee shirkaas ka qaybgalay, waxa dhinacyadu iskula soo qaadeen arrimo la xidhiidha wax-ka-qabashada mushkiladda budhcad-badeedda Soomaalida ah ee faraha baas ku haya maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga iyo gargaarka sida ee isticmaala xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Gen. Axmed Aw- Cismaan oo kulankaas kadib saxaafaddu wax ka weydiisay waxyaabaha lagaga wadahadlay kulankaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo ujeeddada safarka saraakiisha shisheeye iyo dulucda waxyaabihii lagaga sheekaystay shirkaas, balse waxa uu carrabka ku dhuftay in labada dhinac iska xog-warraysteen arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaaladda guud ee ammaanka mandaqadda.

Warku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta Somaliland uga warrameen weftiga saraakiisha Ingiriiska ah sida dawladda Somaliland uga go’an tahay la-dagaallanka budhcad-badeedda Soomaalida oo noqotay khatar halis weyn ku haysa horumarka ganacsiga caalamka iyo gaadiidka iskaga goosha biyaha caalamiga ah ee adduunka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dagaal adag kula jirta budhcad-baddeedda waxaanay dhawr jeer magaalada Berbera ku maxkamadaysay kooxo budhcad ah oo doonayey inay qafaashaan maraakiib iyo doonyo marayey marin-biyoodka xeebaha Somaliland oo ah mid ka caaggan falalka budhcad-badeedda aafeeyey biyaha dalka deriska ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee saraakiisha ciidammada badda dawladaha reer galbeedka ee xeebaha Soomaaliya u jooga hawlaha la-dagaallanka budhcad-badeeddu ay si toos ah gudaha dalka ugula kulmaan masuuliyiinta dawladda Somaliland.

Jamhuuriya