Boorama-(Lug)-Ku dhawaad 14 haween ah kana kala yimid degaanada kala duwan ee Soomaaliya ayaa mar kale isbitaalka Fiistula ee Boorama u yimid daaweynta cudurada haweenka
ku dhaca Haweenkan oo xalay saqdii dhexe soo gaadhay isbitaalkaasi, ayaa waxa soo dhaweeyey masuuliyiinta isbitaalkaasi iyo hawlwadeenada.
Munaasabadii soo dhawaynta Bukaankan ayaa waxaa ka hadlay, Dhakhtarka takhasuska hawhsan ku ah, oo Ah Dhakhtar Ibaraahim Qaws, waxa uuna warbixin kooban siiyay, warbaahintana uga warramay hawlahooda, waxa uuna sheegay in Xanuunkani yahay mid inta badan ku dhaca Haweenka marka ay ugubka yihiin, Marka ay fooshu ku raagto,Waxa kale oo uu sheegay in ay u nugul yihiin xanuunkan Da’ walba, waa marka ay haweenaydu waydo adeeg caafimaad waqtiga dhalmada, Dhakhtar Qaws waxa uu sheegay in Bil walba ay daweeyaan, 20 qof, 15 Haweenka laga keeno Koonfurta iyo Shan laga keeno Gobolada Somaliland. waxa kale oo uu sheegay in ay mararka qaarkood ay kaba bataan 20 Haweenka ah, waxa kale oo uu sheegay in ay qaliinkan uu yahay mid bilaash ah, waxa uu Haweenka ku nool Dhamaan Soomaaliya ee qaba xanuunkan in ay yimaadaan Dhakhtarkan.
Waa markii Labaad muddo laba bilood gudahood ah ee haween ka kala yimid dalka soomaaliya ee ay dagaaladu aafeeyeen ay isbitaalkaasi u yimaaddaan addeeg caafimaad iyagoo usoo maraya boqollaal killoomitir oo khatar ku ah nabadgelyda.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Haween Ka Kala Yimid Degaanada Soomaaliya Oo Mar Kale Isbitaalka Fistula Ee Boorama U Yimid Daaweyn "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback