ceelgaal.jpgBorama-(Lug)-Masuulyiinta magaalada Saylac ee G/Selel oo uu horkacayey guddoomiye kuxigeenka G/degaanka deegaanka ee degmadaasi  Md.Cismaan Muumin Caarre
 ayaa  ku dhaqaaqay gurmad  dhinaca biyaha ah oo ka bilaabay tuulada Ceelgaal ee badhtamaha gobolkaasi kaddib markii  cilado farsamo  ay u fadhiisteen matooradii dhinaca biyaha ee magaaladaasi .

Sida ay ii xaqiijiyeen masuulyiin ka tirsan degmadaasi  waxa  booyado biyo lasoo gaadhsiiyey tuuladaasi kaddib markii ay haraad aad u be’an gaadheen boqollaal neef  oo geel u badan oo ceelka tuuladaasi ka cabbi jiray hase yeeshee ilaa bishan bilowgeedii aanu ceelkaasi shaqayn , isla markaan qaylodhaan farabadan oo lasoo gaadhsiiyey xukuumadda gobolkaasi iyo tan sareba aanay weli midho dhalin xaaladduna kasii darayso .

Tuulada Ceelgaal oo laga adeegsan jiray Ceelasha matoorada ku shaqeeya ilaa gumaysigii ingiriiskii ayaa biyiuhu gabaabsi ku ahaayeen tobankii sannadood ee ugu damabeeyey kaddib markii ceelashii dhulkaasi qaar ka mid ah laga guurey markay biyahoodii milix isu beddeleen halka ceelasha kalena  ay ka bixi waayeen cilado farsamo oo soo gaadha matoorada biyaha soo saara taasoo badi ka dhalata aqoondarada farsamayaqaanada matooradaasi iyo dayactir la’aan.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama