Boorama-(Lug)- Badi masuuliyiinta gobolkan Awdal kaga jira xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa xalay soo gaadhay Boorama, Masuuliyiintan oo isugu jira xildhibeenada labada Gole, Wasiiro iyo hawlwadeenno kale shalay kasoo kicitimay caasimadda Hargeysa ayaan ilaa imika la ogeyn ujeedada socdaalkooda wakhtigan, mana jiraan warar madax bannaan oo la xidhiidha socdaalkooda .
Socdaalka wakiilada reer Awdal ee xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa ka dambeeyey markii dhawaanta xubno ka tirsan golaha wasiirada reer Awdal ay booqashada ku yimaaddeen Boorama, masuulyiintaasoo wakhtigaasi ka qayb qaatay sidii loosii deyn lahaa raxan dhallinyaro ah oo lloo xidhxidhay bannanbaxyo ka dhan ahaa xukuumadda oo Boorama ka dhacay .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xubno Ka Tirsan Masuuliyiinta G/Awdal Kaga Jira Xukuumadda Sare Iyo Xildhibeenno Xalay Soo Gaadhay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback