Boorama-(Lug)-Sida la ogyahay waxa beryahan ama bishan October bilowgeedii ilaa dhammaadkeedii Boorama kusoo noqonoqonayey qaar ka mid ah masuulyiinta gobolka Awdal kaga jira xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo, kuwaasoo inta badan kusoo dhex dhacayeen cadho isbiirbirrsatay oo ka dhalatay saamiga reer Awdal ee xukuumadda Axmed Siilaanyo , raadad ay ka tegeen bannanbaxyo laga wareeray oo loo xidhxidhay dhallinyaro lasii daayey, xil ka qaadistii taliyaha xeebaha ee ciidamada qaranka Gen.Maxamed Xudhuun iyo arrimo kale
Booqashooyinkan masuulyiinta reer Awdal kaga jira golayaasha qaranka ayaa waxa ugu dambeeyey booqasho habeen hore si lama filaan ah ay Boorama u yimaadeen ku dhawaad dhammaan masuulyiinta ama wakiilada golayaasha qaranka reer Awdal ee xukuumadda cusub , kuwaasoo ilaa imika aan wax war ah laga hayn ujeedada socdaalkooda, hase yeeshee ay maanta u bilowdeen wadahadallo jilbaha la isku aastay oo ay la galeen ku dhawaad ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada ree Awdal, siyaasiyiintooda iyo waxgaradkooda.
Kulankan oo saxaafadda ka xidhnaa ayaan sidoo kale la ogeyn ajendaha la isku hoirfadhiistay shalay gelinkii dambe ilaa xalay, Socdaalkan oo aanay u kala hadhin guud ahaanba masuuliyiinta iyo xildhibeenada iyo wasiirada reer Awdal ayaa ah kii ugu horreeyey ee weli ay ku yimaaddaan Boorama saddex bilood ku dhawaad xukuumadda Axmed Siilaanyo dalka xukumaysay, doorashooyinna kursiga lagaga tuuray xukuumaddii reer Awdal hoggaamin jireen .
Sidoo kale ayaa doorkan ama booqashada isasoo raacisay masuulyiinta xukuumadda cusub ee muxaafidka ah iyo kuwa mucaaradka ah ee ka tirsanaa ama taageeri jiray xisbiga UDUB qaybo badan oo ka mid ah dadweynaha reer Awdal ama reer Somaliland ku tusayaan inaysan reer Awdal weli ku kala tegin siyaasadda gobolka iyo tan xukuumadda sareba , hase yeeshee wax aanay cidi dafiri karin guuxa demi waayey ee weli ka baxaya dadwaynaha reer Awdal kuwaasoo ka kacsan saamiga ay ka heleen xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo, Rajo xumada ay ka qabaan dadwaynaha reer Awdal xukuumadda cusubna aad mooddo inay durba midho dhashay oo durba ay qiilqiil gelinayaan masuuliyiinta gobolka iyo kuwa amniga “tallaabo kasta oo laga qaadana cidhiidhi lagu geliyo xukuumadda”.
Markaan dib ugusoo noqonno booqashada wafdigan lixaadka leh ee reer Awdalka dawladda ku jiraayi ku yimaaddeen magaalada ayaa uun dadka qaarkii u arkaan mid aanay reer Awdal waxba ka faa’iideyn, isla markaana ay door bidayaan inay beddelkooda yimaaddaan masuuliyiinta dalkan ugu sarraysa sida Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Eng.C/raxmaan Saylici, kuwaasoo ay u arkayaan inay yihiin masuuliyiinta ugu dambaysa ee lala geli karo heshiis, waxna usoo goyn karaya, intaa ka horeysase wax kastoo lagu wada hadlaa noqon karaan biyo col dhaanshay. iyadoo dhinaca kale socdaalkoodan uu hordhac u noqon karo booqasho ay Boorama ku yimaaddaan masuulyinta dalkan ugu sarreysa ee madaxweyneha iyo ku xigeenkiisa balse aanay cidi hadalhaynin maanta.
Dhinaca kale qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada ayaa booqashadanan loo kala hadhin u arka mid lagu sasabayo mucaaradka xadhkaha goostay ee laga dhaadhicin jiray in xukuumadda Axmed Siilaanyo aanay reer Awdal naf u oggolayn, balse dhinaca kale kula kici doonto aargoosi, Inkastoo aanay weli reer Awdal xukuumadda cusubi weli qaadin wax loo arko aargoosi iyo duudsi, balse durbaanka colaadeed ee ay tumayaan shakhsiyaad iyo siyaasiyiin gaar ahi, ayaa la ogyahay sida ay cadaawad gobolkan uga abuureen xukuumadsda cusub.
Dhinaca kale socdaalkan masuuliyiinta reer Awdal ayaa dad badani arkayaan mid lagu dejinayo xiisadda iyo tuhunka soo kala dhex galay beelaha reer Awdal kaddib doorashooyinkii dalka ka dhacay sidaa darteedna kala qaybsanaanta ka jirta gobolkani sii xoogeysan doonto haddii aan la isku soo dhaweyn bulshada mucaarad iyo muxaafidba, lana joojiyo caloolxumada iyo shakiga soo kala dhexgalay dadkii 2003dii wada jirka kursigan dalka ugu sarreeya u doortay madaxweyihii hore.
Marka hoos loo daadego shakiga ku kala jira dadweynaha gobolka ayaa ah boogta ugu weyn ee maanta u baahan in xukuumaddu daaweyso, iyadoo qaybaha taageera Xukuumadda Axmed Siilaanyo booqashadan xidhiidhka ee wafdiyada reerA u arka mid lagu raalligelinayo ama lagu sasabyo qaybaha kasoo horjeeda dawladda, sidaa darteedna loo baahnaa in mucaarad kasta loola dhaqmo sidii dawladihii hore ula dhaqmi jireen mucaaradka cid kastoo, baryada la baryayo kooxahaasina tahay mid muujinaysa itaaldarada xukuumadda cusub.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Faallo:Booqashada Masuuliyiinta Reer Awdal Ee Boorama, Sasabaha Mucaaradka Iyo Adkaynta Midnimada Reer Awdal Waa Midkee? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback