Jamhuuriyadda Somaliland
Xafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
‘BOQOL CISHO, BOQOL WAX QABAD IYO DHEERAAD..
Balan-qaadkii Xukuumadda ee boqolka Maalmood ee ugu horeeya: Hawlaha wax-qabad ee xukuumada laga doonayo boqolka maalmood (100) ee ugu horeeya oo la soo koobay
A) Nabad gelyadda:-
1) In la sii xoojiyo arrimaha Khuseeya Nabad gelyada, Dadweynahana laga qayb galiyo
2) Kala dirista Guddiga Nabad gelyada iyo dadkii u xidhnaa oo si degdeg ah maxkamad loo hor keeno
3) In la dhamaystiro lana hawl galiyo xabsiga dhexe
4) In Madaxweynuhu soo saaro baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada bari
B) Dhaqaalaha:-1) In xukuumaddu xoojiso oo dardar galiso dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharashkii lagu hir gelin lahaa qorshaha shaqo ee boqolka maalmood ee ugu horeeya.2) In la bixiyo Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada3) In amar lagu siiyo Xisaabiyaha guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin wax lacag ah oo dhaaf siisan mushaharka Shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, Agoomaha iyo Shidaalka.
4) In la dhamaystiro Biriijka labaad ee Caasimada ee qabyada ah ($300,000)na loo baahan yahay
5) In lagu daro wadada Dilla /Boorama 4-5 km ($300,000) ayaa loo baahan yahay
6) In la hawl geliyo Guddida la dagaalanka musuqmaasuqa
7) In la hawl galiyo hay’adda ilaalinta Tayada Cuntada iyo Daawooyinka
In la dayactiro lana dhamaystiro Terminalka 2aad ee Magaaladda Berbera
C) Arrimaha Bulshada:-
1) In la qaado olole nadaafadeed oo joogto ah oo ku wajahan Bilicda, Nadaafada iyo fayo dhowrka Magaalooyinka dalka.
2) In la dhaqan galiyo saacadaha Shaqada.
3) In la soo celiyo ololihii iskaa wax u qabso ee dib-u-dhiska dalka, si ay dadweynuhu ugu qayb qaataan dib-u-dhiska dalka.
D) Arrimaha Sharciga:-
1) In heshiisyada caalamiga ah ee aan weli la hor geyn Golayaasha Sharci Dejinta si deg deg ah loo hor keeno.
2) In la dhamaystiro xeerkii Mushaharka masuulyiinta Qaranka, lana diiwaan galiyo hantidooda gaarka ah.
E) Siyaasadda Arrimaha Dibadda:-1) In Madaxweynuhu safar ugu baxo wadamada deriska sida, Ethiopia ,Djibouti, Kenya iyo wadamada IGAD.2) In la diyaariyo qoraalo ku wajahan urrurada ay ka midka yihiin IGAD, AU, Arab league, Islamic league, Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyadoo loo cadaynayo siyaasadda Dawladda cusub.3) In Wasaradda Khaarajigu dardar geliso hawlaha diblomaasiyadeed ee caalamka loogu sharaxayo qaddiyadda Somaliland.
4) In la dhamaystiro dhismayaasha cusub ee Wsaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee xukuumadu ku talabsatay.
Wax-qabadkii Xukuumadda Boqolkii Cisho ee ugu horeeyey:-
Wax-qabadkii Xukuumadda Boqolkii Cisho ee ugu horeeyey:-
|
Tirsiga |
Waxa La fuliyey |
|
| A) Arrimaha Amniga:- |
||
| 2 |
Waxaa la kala diray Guddigii Nabadgelyada ee dadka ku xukumi jirtay awood aan Sharci ahayn, waxaana saamaxaad Madaxweyne lagu sii daayey Maxaabiistii siyaasadeed ee ku xidhnaa amarkooda. |
|
| 3 |
Waxaa la dardar geliyey dhamaystirka xabsiga dhexe ee Hargaysa oo uu haatan dhismihiisu gabo gabo marayo. |
|
| 4 |
Madaxwaynuhu waxa uu soo saray baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada Sool iyo Sanaag |
|
| B. |
Dhaqaalaha |
|
| 1. |
Waxaa la xakameeyey in aanay muddada kala guurka ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xigta toona aanay dhicin Musuqmaasuq iyo Hanti lunsi, isla markaana waxaa la amray Xisaabiyaha Guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin lacag ka baxsan Mushaharka shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, agoomaha iyo Shidaalaka, Waxaana la sameeyey Guddi daba-gasha Amarkan Madaxweynaha. |
|
| 2 |
Waxay dar dar gelisay Xukuumaddu dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharash ku filan hawlaha Dowlada, ilaa imikana wuxuu kordhay 24%. |
|
| 3 |
Waxaa la bixiyey deyntii Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo dhamayd muddo 5 bilood. |
|
| 3 |
Si loo dhamaystiro Biriijka 2aad ee Caasimadda Hargeysa oo qabyo ahaa, waxaana la bixiyey lacagtii loo baahnaa |
|
| 4 |
Waxaa la bilaabay oo hawsheedu socotaa Waddada isku xidha Dilla/Boorama oo ah ilaa 4KM. |
|
| 5 |
Waxaa la abuuray markii ugu horeysay Komiishanka La dagaalanka Musuqmaasuqa. |
|
| 6 |
Waxaa la dhisay oo la hawl geliyey ha’yadda Dhawrista Tayada (Quality Control Agency) |
|
| C |
Arrimaha Bulshada |
|
| 1 |
||
| 2 |
Waxaa la kordhiyey oo la dhaqangeliyey saacadaha shaqada, iyadoo haatan la shaqeeyo min 7:00 ilaa 2:00. |
|
| 3 |
Waxaa la dhiiri geliyey Barnaamijka Iskaa wax u qabso, si dadweynuhu uga qayb qaataan dib u dhiska dalka, kaasoo suurto geliyey in magaalooyinka waaweyn laga sameeyo Jidad laami ah. |
|
| D |
Arrimaha Sharciga |
|
| 1 |
Waxaa la abuuray Hay’adda Dib u habaynta Shuruucda. |
|
| E |
Siyaasadda Arrimaha Debedda |
|
| 1 |
Waxa uu madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silanyo, safar ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynaha iyo wefdigiisa ku soo dhoweysay maqaamkii ugu sareeyay abid ee Somaliland kala kulanto caalamka, Socdaalkaas oo madaxweynuhu kasoo hooyey guulo la taaban karo, waxaanu madaxweynuhu safar kaas la mid ah ku tegayaa Dalka Ethiopia ee aan deriska nahay iyo Kenya oo uu marti qaadyo ka helay. |
|
| 2 |
Waxaa la diyaariyey qoraalo cadaynaya qadiyadda |
|
| 3 |
Waxaa la dhamaystiray dhismaha cusub hay’adaha madaxbaaan |
|
| 4 |
Siyaasadda Khaarijiga ee |
|
| Wax-qabadka Kale ee Xukuumadda JSL |
||
| Maaliyadda |
||
| Xaaladdii qasnada dawlada ee lagala wareegay xukuumaddii hore. Sida laga wada warqabo xukuumaddii hore waxa lagala wareegay Qasnad madhan oo lagu leeyahay Dayn dhan 46,853,598,632/=, gaar ahaanna dayntani waxay ahayd Mushaharooyinkii Shaqaalaha Goboladda oo ah April-July 2010 iyo Mushaharkii Shaqaalaha Gobolka Hargeysa oo ahaa May-July 2010, iyo sidoo kale Mushaharka iyo Raashinka Ciidamadda ee Bisha july 2010, waxa kale oo iyana aan waxba laga bixin kharashaadkii hawl socodsiinta ee Jan-July sida Shidaalka, Stationery-ga , Dayactirka Gaadiidka iwm, xaaladdaa dhaqaaale ee adage e ay la kulantay xukuumada cusubi ayaana kaliftay in Ganacsatadda laga soo daynsado Dayn dhan $2,350,000, si loo xaqiijiyo hawsha .. |
||
| 1 |
Waxa la kiciyey oo laga shaqaysiiyey Mashiin fadhiyey oo ah VOLVO pent 16300 500 KVA |
|
| 2 |
Waxa la dayac tiray dhamaan mishiinada kale ee biyaha loona soo iibiyey qalab cusub qiimihiisuna dhan yahay 338,931,460 waxana dib looga shaqaysiiyey 3 ceel oo hore ugu cadilnaa daynabooyin |
|
| 3 |
Waxa la dhamaystiray sharcigii Wakaalada biyuhu ku shaqayn lahayd markii ugu horaysay |
|
| 4 |
Waxa sare loo qaaday dakhliga Wakaalada Biyaha |
|
| Dhaqanka iyo Sportiga |
||
|
|
Hay’addaha Madaxa banaan |
|
||
|
|
|||||
Nasir Yuusuf
naska2007@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xukuumada Somaliland: 100 Cisho,100 Wax-Qabad Iyo Dheeraad "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback